Waxaan Qoriga Iyo Qallinkaba U Sitaa Dalkayga Iyo Dadkayga


(Hadhwanaagnews) Monday, March 12, 2018 12:33:42
Waxaa loo huray naf iyo maalba dhiiggii wadankan loo shubayna wuxuu dhaliyey nabaddaa somaliland hadhsanayso

 

Waxaan qoriga iyo qallinkaba u sitaa dalkayga iyo dadkayga

 

 

 
Waxaan ahay muwaadin reer somaliland waxaan ka mid ahay dhallinyaraddii ku kacaamay wakhtigii nabadda ee dalkan
 
 Dalkan somailand 
Waxaa loo huray naf iyo maalba dhiiggii wadankan loo shubayna wuxuu dhaliyey nabaddaa somaliland hadhsanayso 
 
Maantana haddii aan ka mid ahay dhallinyarada somaliland ee lagu soo simay dawladnimada waxaan naftayda u hurayaa dalkayga waxaan u taagnaanayaa bacadka,




waxaan taagnaanayaa dhaxanta waan u gaajoonayaa naftaaydana waan u hurayaa sidii ay horeba ugu hureen dadkii aniga iga horeeyay 
 
Waxaan odhan lahaa cadawga somaliland ee meel kasta oo uu adduunka joogo dhaggihiina fura oo hadalkayga maqla waxaan u dhaaranay inaanu dadlkaya naftayada iyo maalkayaba u hurno  markaa waxaan leeyahay madaxwaynaha farmaajo ee madaxta u ah dawladda taagta daran (lug hore haddii ay lug danbe dhaafto way jabtaaye) 
Haku hamiyin dalkayaga iyo inuu mar labaad idinla middoobo taasi ma dhici karto ee waa riyo ay isku maaweeliyaa dawladda rsomalilaya iyo shicibkeedu wax somaliwayn la yidhaahdaana ma jiraan 
 
Xidigta calanka somaliya waxay ka koobnayd shan gees 
Shantii gees waxaa ka hirgalay laba gees oo ahaa somaliland iyo somaliya 
Mayo seddexdii gees ee kale?
 Taasi waxay noqotay riyo aynu ku riyoon jirnay oo rumoobi wayday in soomaali meel la iskugu keeno
 
Idinkaa baabiiyey wax wada lahaanshihii iyo walaalnimaddii 
 
Somalilandna waxaanu ku xoraynay xabbad 
Maantana xabbdii aanu ku xoraynay ayaanu sidanaa
Qof walba caday somaliland ku ahna xabad ayaa naga dhaxaysa 
 
Somaliya walaalnimo nagama dhaxayso
Xabad ayaa naga dhaxaysa
Dhagihiina u fura
 
Dawladda somaliland waxay noqotay dawlad cagaheeda isku taagtay oo ilaahay mooye cid kale u baahnayn
 
Dawladda somaliland cid kasta oo ay heshiis la galayso dhinaca hormarka iyo dhaqaalaha wadankayaga iyadaa u xor ah
 
Waxaan kula talinlahaa dawladda somaliya inay naga dayso faragalinta qaawan ee ay ku hayso heshiiska dekadda berbera iyo  shirkadda DPW

*********************************************************************

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.