Fashilka Wasiirka Maaliyada Yusuf ,Oo Waqtigiisii Ku Qatay Ka Aarsiga Shaqalaha Wasaradda Halka Miisaniyadii Fashilantay


(Hadhwanaagnews) Monday, March 12, 2018 12:54:22
Sidoo kale Miisaaniyad la'aanta Wali haysata Xukuumada ayaa Sobobtay in Aanay Wali shaqaalaha Dawladu Qaadanin Musharkii bishan

Iyadoo laga joogo Mudadii Xukuumada Cusub Ee Uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi, La Doortay Sedex bilood isla Markaa Uun soo Dhisay Golaha  Xukuumadiisa taasi oo uu Wasaarada Maaliyada Ugu Magacaabay Masuuliyiinta kala Ah Wasiir iyo Wasiir Kuxigeen Aan Hore Siyaasada Somaliland Uga soo Dhex Muuqan halka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Ee Xiligan uu Kamid ahaa Shaqaalaha Wasarada Maaliyada,

Masuuliyiinta wasaarada maaliyada  Ayaan ilaa hada soo Gudbin Odoroska Miisaaniyada 2018 Oo muhiim u ah Dhaqajinta Hawlaha baxada leh Ee laga Sugayo Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ay Hawlo Culusi Horyaalaan.

masuuliyiinta wasaarada maaliyada

Sidoo kale Miisaaniyad la'aanta Wali haysata




Xukuumada ayaa Sobobtay   in Aanay Wali  shaqaalaha Dawladu Qaadanin Musharkii bishan , halka bilihii hore lagu dhaqmay miisaaniyadii Xukuumadii hore ee Siilaanyo.

Arintan ayaa Daboolka ka Qaaday Khibrad La,aanka Wasiirka Wasaarada Maaliyada Oo isagu Aragtidiisu Dhaafi Wayday waxka Sheega Wasiirada Uga horeeyay Wasaarada Maaliyada Mudadii ay talada Dalka haystay Xukuumada Xisbiga kulmiye ka Dhalatay,Ee Gadhwadeenka uu ka ahaa Axmed  Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Wasaarada Maaliyada Ayaa Waxaa xiligan dul hogonaya dhaliilo baahsan taasi oo ay hada banaanka keentay kadib marii qaarkamida ururada Aan dawliga ahayd bilaabeen abaabulka munaasibado lagu falanqaynayo odoraska miisaaniyada qaranka Somaliland  oo aanay hore udhicin intii ay jirtay somaliland  rabitaanka ay odoraskeeda ay soo faro galiyaan ururo noocan ahi

Wallow Dadka Siyaasada Somalland  Sida Dhow Ulasocdaa ay Madaxwaynaha Somaliland ku dhiileen shaqsiyaadka uu usoo xushay wasaradan  in ay hormuudka noqdaan aanay ahayd kuwii ugu haboonaa  marka laga eego  muhiimada ay wasaaradani uleedahay  dalka iyo dhismaha Xukuumada,

 

 Somalipure

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.