Somaliland Marti Uga Noqon Mayso Heshiiska Dp World Iyo Ethiopia , Dawladda Federaalka Somalia.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 07:57:13
waliba dhanka Somaliland ay ka go'nayd in la helo shantii Soomaaliiyeed oo laysku wadda keeno,

Somaliland iyo Somalia waxa ay sida la wada og yahay ay union noqdeen markii gumaystihii ingriiska iyo talyaaniga ay xoriyada ka qaateen markaas oo lana baxeen JAMHUURIYADA SOMALIA , waliba dhanka Somaliland ay ka go'nayd in la helo shantii Soomaaliiyeed oo laysku wadda keeno, may dhicin taasi oo waa halkii Abwaan Ilka Jiiree uu lahaa:-

Habeenkii Xoriyadeed

Ruuxna Abid Hilmaamayn

Habeenkii Xoriyadeed

Haybad Wayne Calankana

Hawadaada Guud Sudhay

Anigoon Hargaysaay

Hubaashi Ku Haqabtirin

Umad Kala Halawdoo

Gumaysi Haystaan

Habayntood U Hagarbaxay

Hal Inaan Ahaanan






style="font-size:16px;">Hayigayga Galiyoo

Maankay Ku Haystoo

Anoon Hoosba Uba Dayin

Raga Ila Hirdamayaan

Haw La Idhi Xoriyadii

Hadal , Heshiis Iyo Barashona

Hareer Maray

Hays Raacdo Waatay

Hoobaladu Ku Heeseen

Hayaankayga Geediga

Hogol Ii Hilaacdoo

Iblays Ii Hadoodilay

Sahan Li’i Hayaanshoo

Waxaan Haystay Oo Idil

Haf Intaan La Idhibaan

Xamar Ula Hayaamay

Hubso Talo U Baahnayd

Hubaashii Il Duufoo

Hayb Baa I Eryaysee

Haye Fudud Intaan Idhi

Warqadii Hortaydana

Hore Ugu Saxeexoo

Halaq Iyo Abeesaan

Hoy Qudha Wadaagnay.

Somaliland waxa ay xoriyadeedii ay il duuftay ee ay xamar gaysay dib ugalasoo noqotay 18 May 1991.  intaa wixii ka dambeeyey Somaliland waxa ay tahay wadan jira oo leh haykal Dawladdeed oo indhaha caafimaadka qabaa aanay dafiri Karin waxa ay tahay Somaliland . Hada arinka maalmahanba taagnaa  ee ah Heshiiska ay Somaliland la gashay shirkada DP world iyo Ethiopia ee dawladda faderaalka ah ee Somalia ay leedahay heshiiskaasi ma shaqaynaayo oo Berbera anagaa xukuna. Intaanad meelkaleba aanad u haqal taagin horta taadaa la dhistaa mar hadiii dawladda federaalka Somalia aanay maamuli karinba Maamul Goboleedyada sida sharciyana u hoos yimaada dawaladda federaalka, oo mid waliba dhankiisa siduu doono isu maamulaaya.

“Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sarayntiisa” Hadraawi. Dekeda Berbera waa laf dhabarta dhaqan dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Somaliland cidna uma daba fadhiisanayso wixii heshiis caalamiya ee ay galayso kuna horru marinayso waddankeeda. Hanoqoto ta imika ay la gashay Waddamada Shesheeye, waana heshiis sharciya oo leh awood fulineed. dhaqan galay shaqeeyana, Meel laga hadlona hada ma taagna ee waxaan leeyahay Somalia ku mashquulka wadan qayrkaaya waxa kaaga magac roon adoo maareeya taadan baylahda ah , kana waantooba xiqdiga iyo xaasidnimada aad la daba taagantiin Somaliland.

( Somaliland Way Tis Qaadee Adna Taageer)

Dowlad Yusuf Mohamed

Tell:- 063 4417917-063 4444096

Email:- [email protected]


*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.