Maamulka Muqdisho oo Wajahaya Godoomin Siyaasadeed.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 09:17:39
Docda kale Dowladda imaradka Carabta ayaa lafilayaa in ay talaabo Xanuun badan ka qaado Maamulka taagta daran ee Magaalada Muqdisho

Maamulka taagta daran ee Magaalada Muqdisho ayaa Wajahaya Godoomin Siyaasadeed  kadib Markii ay Canbaareeyeen Heshiiskii Saddex geesoodka ah  ee Somaliland, DP World iyo Ethiopia.

 Maamulka  Muqdisho oo Caadaystay Xiqdiga iyo Xaasidnimada Cadaawada ku dhisan ee ay had iyo goor kaga Soo horjeedaan  #horumarka iyo #Nabadda Somaliland. Ayaa dhexdabaashay badwayn uuna ka bixikarin. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Waxkasta oo ay Maamulka Muqdisho Sameeyo aanay waxba u dhimi doonin Heshiiska Maalgashiga dekeda Berbera.

Docda kale Dowladda imaradka Carabta ayaa lafilayaa in ay talaabo Xanuun badan ka qaado Maamulka taagta daran ee Magaalada Muqdisho

talaabada imaradku qaadi doono waxaa ka mid ah  jarid dhaqaalaha




ay siinjireen Ciidanka Muqdisho iyo joojinta passporta Somalia. oo Saamayn doona ganacsiga iyo Socdaalka Somalia.

Waxaa kale oo lafilayaa in  Dowladda imaradka Carabta iyo dowladdaha kale khaliijku ay si buuxda u aqoonsadaan passporka Somaliland. Maalmaha Soo socda waxaa la saadaalinayaa in ay wax badan iska bedelaan  juquraafiga Siyaasadeed ee geeska afrika. (geopolitical of horn of Africa).

Dhenkeeda Dowladda Ethiopia  oo qayb ka ah Heshiiska Maalgashiga dekeda Berbera islamarkaana ah dowladda ugu Saamaynta wayn bariga afrika  kana Masuul ah amniga inta baddan dowladda taagta daran ee Magaalada Muqdisho. ayaa aad ula yaabtay jar iska Xoornimada Maamulka taagta daran ee Magaalada Muqdisho. Waxaana lafilayaa talaabo an ka farxin doonin Muqdisho qaadidoonto.

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.