Saadan Baad Garan.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 09:31:01
Heshiiskii berbara ee hore waa laqaadan karaayey ,oo waxa uu ku koobnaa Somaliland iyo DPWORLD , laakiin waxa uu doqonoobay markii ay

             13/3/018

Somaliland wxay ku sii shalwanaysaa  aflibaax  , maantana waxaa  ka badbaadin kara  shalwadkaa waxaa weeyaan barlamaanka Somaliland oo waqtiyo badan  ku soo  qaatay in ay dalkan u soo shaqeeyaaan , waxbadan diiday waxbadana ansixiyey, maanta mataagna kanaa kulmiye ah , kanaa wadaniya, kanaa ucida , maanta waxay taagan tahay badbaadin qaran, waxaana   loobahan yahay in guntiga dhiish iskaga dhigtaan oo aad gacanta ka soo qabataan ragan inagu siituuraya godka aan cid kaa soo saartana aanayd helidoonin. Gudoomiyaasha xisbiyaduna malaha  barlamaanka ee barlamaanka waxaa leh bulshada reer somaliland.

Heshiiskii berbara ee hore waa laqaadan karaayey ,oo waxa uu ku koobnaa Somaliland iyo DPWORLD  , laakiin




waxa uu doqonoobay markii ay soo gashay dowlada tigreegu  itoobiya, hadaba waxaa iswaydiin leh itoobiya maxaa soo galiyey ? ilayn awalba waatii berbera wax kala soo degaysee ,suaashu waxay tahay waxaa jira dalal qarsoon oo dabada ka riixaya oo ay ugu horayso israail iyo maraykanka .iyada khamiisya wayntu ma fahmayaan dhagarta hoose ee  meesha ku aasan. . Laakiin marka aynu eegno hadalkii gudoomiyaha dpworld  iyo sidii uu uhadlay ,waxaa ka muuqday in uu yahay nin kibirsan oo helay dhul aanay cidi lahayn oo hadhowna sida uu doono ugu tagrifali kara,

Hadaba , dowladan tikreega   ee iminka xukunka  itoobiya haysa  ma doonaynayno inaanu heshiis  la galno iyo shirkadan dpworld ee tuugadaa inaga aan  waxaba inooma arg    , laakiin dowlada oromda ee imanaysa ayaanu lagi doonaa heshiis wax wada qabsi  iyo horumar,

Hadaba, Wasirka arimaha dibada Somaliland waxaan leenahay, intaanad falin kafiirso, yaan laguu qarinin laguna hordhigin .in xornimadii aynu la soo noqonay marlabaad hadana  ku dhicdo, hadii ay kugu adkaatan mansab waa lahelaaye is casil. Oo sharfta ka raac iyo mustaqbalkaaga danbe, aqoonyahankii Somaliland baad tahay, indheergaradkii Somaliland baad tahay, nin dalkan mustaqbal ku leh baad tahay,

Gababogabadii

Hadaba waa in la cadeeyaa halka ay dowlada tikreegu ka soo gashay heshiiskan, maxaa qarsoon ,maxaa buriyey heshiiskii hore, su aalahaas oo dhami waa kuwo u baahan in laga doodo. Oo waliba barlamaanka somaliland aanay noqon rag la leeyahay, ee ay noqdaan rag madaxbaan oo ina badbaadibkara, hadii kale saandanbe ayeynu  garandoonaa sababta itoobiya soo galisay meesha, iyo ujeedooyinka qarsoon ee ku hoos jira.heshiiskan.

By:Khadar Adam Aw Muuse

[email protected]

 

 

 

*********************************************************************

 

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.