Xubno Udhashay Somaliland Kana Tirsan Baarlamaanka Xamar Oo Ku Hungoobay Dalab Ay Ku Doonayeen In Golohooga Dib Udhigo Qadiyada DPWorld.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 10:07:39
Hase yeeshee, baarlamaanka Soomaaliya ayaan u jeedin saaxiibadooda la mabda’ ah balse u dhashay Somaliland.

Muqdisho (HWN) -Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacan saydhay soo jeedin ay soo gudbiyeen shalay qaar ka mid ah xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa in baarlamaanku dib u dhigo mooshinka ay shalay ansixiyeen ee ka dhanka ahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray Somaliland, DP world iyo Itoobiya.

Xildhibaanadan asal ahaan ka soo jeeda reer Somaliland oo ay weheliyeen xubno kale oo baarlamaankaas ka tirsan oo iyagu u dhashay Soomaaliya, ayaa waxay dalbadeen in dib-u- dhig lagu sameeyo, lagana  saaro ajendaha  baarlamaanka qaddiyadda DP world, si loo helo war sugan oo ku saabsan arrintan, waxaanay




mooshinkan ay ku dalbadeen in laga warsugo dawladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, baarlamaanka Soomaaliya ayaan u jeedin saaxiibadooda la mabda’ ah balse u dhashay Somaliland.

Xildhibaanadan oo tiradoodu ahayd 11, ayaa ahaa kuwan hoose ku qoran

Maxamed Cumar Carte Qaalib

    Cabdiraxmaan Ibbi

    Axmed Maxamud Sheekh(Dhagaweyne)

    Maxamed Ibraahi Cabdi (Diyeeshe)

    Cali Maxamed Muuse

    Aamina Cumar Jaamac

    Huda Axmed Cali

    Axmed Maxamed Jaamac

    Faadumo Ismaaciil Xuseen

    Aamina Sheekh Cusmaan’

    Faadumo Xasan Cali              

 

Geeska.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.