Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Shirgudoonada Guurtida, Wakiilada Iyo Xisbiyada Qaranka+Sawiro


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 12:14:13
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Shirgudoonada Guurtida, Wakiilada Iyo Xisbiyada Qaranka+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID  iyo WADDANI,  Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

   
   

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la




isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

  Maxamuud Warsame Jaamac              

Afhayeenka Madaxweynaha JSL

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.