Madaxwayne Su'aal furan W/Q Hassan Yuusuf


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 13:06:40
Goorma ayay hooyo kasta heli doontaa maciishad raqiis ah oo la mid heerkii uu madaxwayne cigaal gaadhsiiyay wakhitiigiisii iyadoo ay xiligaas

Sida la wada ogsoon yahay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen shacabka aad madaxwaynaha u tahay waa qaar qoran oo taariikhdu qortay, shacabku waxay ula dagaalamayeen dawladii uus-miirada ahayd ee Siyaad barre waxay ahayd cadaalad daro iyo reer jeclaysi, dhibtii ka dhalatay kacdoonkaas wuxuu sababay in dawladaasi xasuuqdo kumanaan qof oo isugu jira hooyooyin, wax garad, caruur, iyo curado badan oo goblan ka dhigay hooyooyin badan.

Xasuuqaa loo gaysta shacabkaasi waa kaas ilaa maanta la soo faqayo lafahoodii dibna loo duugayo

Adigoo taas og wixii aad ka dagaalantayna ay ahayd cadaalad-daro, musuqmaasuq, qaraabo-kiil iyo xukunkii oo la faro maroorsaday




reer keliyana aya isku koobeen maanta. markaa miyaanay ahayn inaad xalaalaysato wixii aad shalay xaaraanta u arkaysaay marka aad aragato hada waxa ka dhacaya dalkii ee ah cadaaalad darada iyo wax is daba marinta lala damacsan yahay in hantidii qaranka ee dalkani lahaa si fudud gacanta loogu geliyo beelo xidhan shaadhkii dawladnimo

Mida labaad miyaanay sii kala fogaynayn cadaalad-daradu shacabkii iska ilaaway dhibtii iyo rafaadkii ka soo maray dawladaas taliskii siyaad barre

Maalmihii aad mucaaridka ku ahayd madaxwayne cigaal waxa lagaa hayaa adigoo leh

"Somaliland ku dhismi mayso Ina cigaalow anigaa talinaya oo anigaa ciidanka dalbanaya oo anigaa ayay talada dalku iga go,daa oo sidaan doono kaa yeelaya, 
Haday arintaadu sidaa tahay somaliland jiri mayso ee yaan been la isugu sheekayn"

Maanta waynu og nahay halka dalku marayo iyo ceebaha dul hoganaya xukumadadii, welina dawlad dhisidii ayaad ku jirtaa waxna iskamay bedelin xukumadaadan iyo xukumadii siilaanyo ee dadku karahsadeen todobadii sano ee ay xukunka haysay

Markaa arintaadu ma waxa weeeye odhaahdii ahayd "Biyo sare tegay waa la sugayaa"

Goorma ayaad isku soo dhawaynaysaa shacabka reer somaliland ee ku kala qaybsamay doorashadii

Goirma ayaad cadaalad u smayn doontaa dalka aad u dhaaratay

Goorma ayaad dhaqaalaha qayrkood ka reebay shacabkeenii hagaajin doontaa dhulkana aad ka soo qaadi doontaa

Goorma ayay hooyo kasta heli doontaa maciishad raqiis ah oo la mid heerkii uu madaxwayne cigaal gaadhsiiyay wakhitiigiisii iyadoo ay xiligaas somaliland ka xumayd maanta oo kale

Goorma ayuu sharcigu hiilin doonaa oo sharciga qabiilka la tuuri doonaa

Goorma ayuu qof kasta oo somaliland ah niyad samaan iyo rayn rayn ugu noolaan doonaa dalkiisa

Goorma ayaya shacabku arki doonaan cid u bedesha wixii laga soo dagaalamay

@Hassan Yusuf

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.