Man United Oo Laga Reebay Tartanka Champion League Iyo Natiijada Kulamadii Ugu Dambeeyey Ee Kooxaha Yurub+Sawiro


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 23:24:15
Man United Oo Laga Reebay Tartanka Champion League Iyo Natiijada Kulamadii Ugu Dambeeyey Ee Kooxaha Yurub+Sawiro

Kooxda Manchester United ayaa laga reebay tartanka xiisaha badan ee Champion League ka dib markii ay guul daro laba iyo hal ah kala kulantay ciyaar ay la yeelatay kooxda Savile ee dalka Spain.

Kooxda Manchester United oo ku sugnayd garoonkeeda Old Trafford iyo kooxdii martida ahayd ee Savile ayaanay midna u suura galin inay wax goolal la yimaadaan qaybtii hore ee ciyaarta.

Markii laysku soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Savile waxay ka faa,iidaysatay fursado ay heshay waxaana daqiiqadii 74aad u suura gashay inay keensadaan gool uu u dhaliyey ciyaaryahanka Wissam Ben




Yedder.

Isla afar daqiiqo oo ku beegan daqiiqadii 78aad ayey mar kale ciyaaryahanada kooxda Sevile waxay la yimaadeen goolkii labaad kaas oo uu mar kale dhaliyey ciyaaryahan Wissam Ben Yedder, balse dedaal ay la timid kooxda United ayaa u suura galiyey inay keensadaan hal gool kaa soo uu daqiiqadii 84aad u dhaliyey weeraryahanka Lukaku.

Sidoo kale kooxda Roma ayaa guul ka gaadhay dhigeeda Shakhtar Donetsk  ka dib markii ay hal gool iyo waxba kaga badisay ciyaar ay ku marti galisay garoonkeeda.

Kooxaha Man United Iyo Shakhtar Donetsk ayaa ka mid noqday kooxaha ka hadhay tartanka xiisaha badan ee Champion League.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.