Nadaafada Fayadhowr Ee Huteelada Cuntada Hargeisa


(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 14, 2018 08:08:13
Had iyo goor goobta cunto iibsashada waa goob nadiif ah oo aad loo qurxiyey lakiin waxa loo baahan yahay in had iyo goor aad loo ilaaliyo

Nadaafada fayadhowr  ee huteelada cuntada hargeisa oo aan wanaagsanayn  biyaha uskaga ee lagu daadinayo jidadka caasimada oo waxyeelo caafimaad iyo bilic xumaba ay ka iman karaan

 Xogta Naadafada heerka fayadhowr ee huteelada cuntada hargeisa oo aan wanaagsanayn  inta badan markaad gajo goobta cunta karinta ..

 Had iyo goor goobta cunto iibsashada  waa goob nadiif ah oo aad loo qurxiyey  lakiin waxa loo baahan yahay in had iyo goor aad loo ilaaliyo nadaafada  cuntada oo ay ka iman karaan xanuuno ku keena  dadka macaamisha hudheelka xanuuno sida shubanka caloosha sumow cunto qaadashada kaga yimaada  waxa inta badan dhacda  iyadoo la raacayo sharciga fayadhowrka dalka




u dajisan iyo ku dhaqanka xeererkiisa fayadhowr  in shaqaalaha ka howl gala hudheelada cuntada la soo baadho 6 bilood  hal mar siday ugu shaqeeyan xaashida fayaqabka gaarka  mar kasta si looga hubiyo  cudurada faafa  sida tuberclouse  cholorea  etc  tani ma jirto  dalkeena waana  dayacnaan ka jirta  fayadhowrka dawlada hoose

Dress gaadashada shaqaalaha hudheelada cuntada iyaduna waa astaas fayadhor

Waa in laamaha fayadhowrku ay dib usoo celiyaan ururadii bulshada  sida ururka hudheelada caasimada si loogala socdo  hawlahooda shaqo fayadhowr

Waxaad arkaysaa hudheelada cuntada caasimada oo ku daadinaaya biyahii uskaga hudheelka waqti fiid ah oo dadka iyo bulshadu ku guda jiraan hawlahoodi shaqo  jidadka halbawlaha suuqa tani waa qorshe xumo iyo dayacnaan shaqo ee laamaha fayo

dhowrka dawlada hoose  taas oo ay ka dhalan karaan wasakhda xanuuno saxa xumo  iyo waxyeelo  burbur oo jidadka laamiga

Waa in marka hore dib loo qorsheeya goobta hudheelku ku shubayo  biyaha wasakhda si ay booyaduhu uga qaadan si fudud waqti  habeenimo oo meheradahu ay xidhan yahiin

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.