Dawlad Inaanu Noqonoo, Derisnimada Dhwrtaan,Bal Maxaa Ku Diideen.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 14, 2018 08:36:33
saddex Dawladoodoo, Difaaca Iyo Dhaqaalaha, Duruufahay Iska Kaashada, Isdugsada An Noqono

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.S.C.W.R.W.B.
Salaan khaas ahna bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaashooda

1-DAWLAD INAANU NOQONOO,DERISNIMADA DHWRTAN,

DAANADII AADNA YEESHEEN,DUQAYNTII IYO XASUUQII,

DAKHARADAAN DHAYAAYIYO,,DIIFTII AAN ILLOOWNEE,

DOOGTIYO XANUUNKII,DAMQADEE MAAD KA DEYSAAN.

 

2-SADDEX DAWLADOODOO,DIFAACA IYO DHAQAALAHA,

DURUUFAHAY ISKA KAASHADA,ISDUGSADA AN NOQONO,

DUNIDA AAN LA SIMANOO,DUUDSIGA IYO QUUDHSIGA,

YAAN MIDKEENA LAGU DEYN,XAQ U DIRIR MA NOQONA.

 

3-DABAAD OLOLISAAN IYO,DOCDOCATAN MOOYAANE,

DANTA SHACABKA MAAD GARAN,OO TAASI KAA DEDANE,

DABIIB WAXA KA DOOR MUDAN,DEGO GUBATAY KII GALAY,

DIGTOONAAN BADBAADIYO,DIGNIIN AAD KA HELILAYD.

 

4-AMAANKOOD DARYEESHAA,UGU DARAN DALKAAGEE,

DUULAAN KUU DAMQANAHAYN,DIIRKA IYO DIINTABA,

KALA TIHIIN DABIYO GAAS,DOOLAR URURSO MOOYEE,

ODOONAYNIN DHIMASHADU,MIYEY KUU DAGAALAMI.

 

5-DIB U BAADH AYAAMAHA,DIRIRIHII KU SOO MARAY,

DAMIIM LAMA AHAADEE,DUDUWOO WAX KALE




CURI,

DURBAAN LOOMA BAAHNEE,DADKIINA HOOS BAANDHE,

DALKAAGA CIIDANKIISII,DOONDOON INTII NOOL.

 

6-DEJIYOO KAARTO KALE DHIGA,DALDALOOLKA SOO HELA,

DUQAYDAYADA IYO GUURTIDA DALBO AAN KU SIINEE,

DAWADU WAA TA EEBBEE,DAWGA NABADA LOO MARO,

DAACADNIMO KA KAW TAHAY,DARIIQEEDA WEYDII.

              ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.