Dawlada Britain Oo Qorshaynaysa Inay Ku Dhawaaqdo Talaabooyin Ka Dhan Ah Ruushka Iyo Sababta Dhalinaysa


(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 14, 2018 08:45:11
Dawlada Britain Oo Qorshaynaysa Inay Ku Dhawaaqdo Talaabooyin Ka Dhan Ah Ruushka Iyo Sababta Dhalinaysa

Ra'iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa maanta lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo tallaabooyin dhawr ah oo ka dhan ah dalka Ruushka, kaddib markii xukuumadda Moscow ay ku guuldareysatay in muddadii loo qabtay ay ku caddeyso sababta loo sumeeyay Sergei Skripal oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.

 

Muddada Britain ay u qabatay Moscow ayaa ku ekayd habeen badhkii xalay, ilaa haatanna Moscow wax jawaab ah kama aysan bixin arrintaasi oo aan ka ahayn in ay beenisay ku lug lahaanshaheeda isku dayga lagu doonayay in lagu khaarajiyo Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia.

Sergei Skripal ayaa ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka balse wuxuu si hoose ula




shaqeyn jiray mukhaabaraadka Britain, waxaana markii dambe magangelyo laga siiyay Britain.

Tallaabooyinka la filaya in Britain ay ku dhawaaqdo ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga ceydhiyo tiro diblomaasiyiin Ruush ah iyo in xayiraad lagu soo rogo muwaadiniin Ruushka u dhashay oo hantiileyaal ah oo lala xidhiidhinayo  madaxtooyada Kremlin.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in ka jawaabi doonto tallaabooyinka Britain ee iyaga ka dhanka ah.

 

 

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.