Mucaaridka Sierra Leone Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimada Iyo Wareega Labaad Oo Hadana Lagu Kala Baxayo


(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 14, 2018 09:01:33
Mucaaridka Sierra Leone Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimada Iyo Wareega Labaad Oo Lagu Kala Baxayo

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaa ku guuleystay wareegga koobaad ee doorashada madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaasi balse kuma guulaysan inuu noqdo madaxweynaha dalka.

Julius Maada Bio ayaa helay 43% codadkii la dhiibtay, taas oo ka dhigan in aanu  noqon madaxweynaha dalka maadaama aanu  helin codkii loo baahnaa ee ahaa 55%.

Maada Bio oo ahaan jiray madaxii  ciidamada milatariga sanadkii 1996 ayaa wareeggan koowaad kaga  adkaaday Samura Kamara oo la tartamayay.

Samura Kamara oo ka tirsan xisbiga haya talada dalkaasi ayaa helay 42% arrintaa oo ka dhigan in laysal tagi doono wareega labaad ee doorashada kaas oo dhici




doona laba todobaad ka dib.

Madaxweyne Ernest Bai Koroma ayaa xilka iskaga degaya ka dib markii uu dalkaasi soo xukumayay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Doorashada wareegga koowaad ee dalkaasi Sierra Leone ayaa u dhacday si nabdoon.

Dalkaasi Sierra Leone ayaa soo maray colaad sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay.

 

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.