Golihii La Nacaseeyay! Mustafa A.Nuur


(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 14, 2018 10:18:11
In wasiir ama xukuumadi ay Golaha Wakiillada hor yimaaddaan waa dimuqraaddinimo iyo tallaabo togan oo wada shaqaynta dawladnimada astaan iyo kal-baxsannaan

Sannadkii 2016 bishiisii sagaallaad waxa ay Golaha Sharcidejinata Somaliland ansixiyeen wada xaajood ku saabsanaa “heshiis maalgashi” oo dhex maray Somaliland iyo shirkadda dekadaha maalgashata ee la yidhaahdo DPWorld. Baarllamaanku heshiis may ansixin wakhtigaa, si uu u eegyahayna ma ay arag. Waxa loo keenay waraaqo dhowr bog ah oo cid soo qortay aan la garanayn, balse ay xukuumaddii u ololaynaysay meel-marinta heshiiskaasi lafteedu ay caddaysay in aanu heshiis ahayn ee uu yahay “nuxur” Eraygaasi nuxur laftiisa lama macnnaynin. Sida aan anigu u fahmay se waxa uu yahay, wada xaajoodkii ku saabsanaa maalgashiga dekedda. Sideedaba na, dabciga wada hadalka noocaa oo kale ah waxaa hadheeya caaddifad iyo in jannooyin la is daawadsiiyo, si ay kooxiba kooxda kale qodobkeeda iyo




barta ay taagantahay uga dhigto mid habboon oo aan khasaare lahayn. Heshiiska rasmiga ahi se wadaxaajoodka hore ee albaabka heshiiska u furaya wuu ka duwanyahay. Heshiiska waxaa loo baahanayaa sharciyado cid kasta xakameeya.

In wasiir ama xukuumadi ay Golaha Wakiillada hor yimaaddaan waa dimuqraaddinimo iyo tallaabo togan oo wada shaqaynta dawladnimada astaan iyo kal-baxsannaan u ah.  Kolka sidaa la yeello waxaa la filanayaa in madmadawga iyo jahowareerku meesha ka baxo, sharciyaddiina ay xalaalayso mashaariicda ay xukuumaddu wadato. Waxa se horteenna yaalla ee dhacayaa waa sidaa cagsigeeda, iyo budhcadnimo aan lala gabbanayn.

Aqalka Wakiillada waxa ku dhacay jahawareer ay iyagu sababtiisa leeyihiin. Waxa ay hore u aqbaleen in ay ka doodaan wax aan ahayn heshiiskii dekedda Berbera lagula wareegayay maamulisteeda, islamarkaasi asalka maalgashigu ku saabsanaa. Haddana inta lagu soo noqday ayaa laga hor akhriyay su’aalo iyo jawaabo waraaq ku wada qoran. Hadalkii wasiirka ee uu Golaha ka hor akhriyay ma dhegaysateen? Dhammaan waxa uu ahaa su’aalo iyo jawaabo is hoos yaalla oo wax looga dan leeyahay aanay caddayn. Su’aalaha wasiirku waraaqda ku soo qortay yaa wayddiiyay, yuu se uga jawaabayay? Wakiilladu waxa ay metelaan oo nidaamka dawladnimada uga dammiin yihiin shacabka masaakiinta ah ee xaqa u leh hantida waddanka taalla oo dhan, mood iyo nool ba. Sacad, Wasiirka Arrimaha Dibaddu kamuu jawaabin su’aalihii ay wakiilladu wayddiiyeen. Dhammaan jawaabihiisu run ahaantii kumay aaddanayn su’aasha xildhibaannada qaar wayddiiyeen.  kuwii uu isagu sitay ee waraaqda ugu qornnaa se jawaabo wan-wanaagsan oo iyagu isla waraaqda ku qornaa ayuu iskugu jawaabay. 

Dhibaatada xildhibaannada haysatay fadhigaa shalay qabsoomay waxa ay ahayd, in ay wasiirka ka warraysanayeen oo wayddiinayeen wax aanay arag. Xildhibaannada qaar waxa ay codsadeen in heshiiska laftiisii la horkeeno si ay kolkaa wixii ay fahmi waayaan wasiirka ama xukuumadda su’aalo uga wayddiiyaan. Looma se caddayn ama loogama jawaabin in la hor keeni doono iyo in aan la horkeeni doonin. Xusuusnow waa qodob distoori ah in ay xukuumaddu hor keento Golaha heshiiyada ay la gelayso waddamo shisheeye—Qodobka 53 farqadda 3-aad.

 

Heshiiska iyo Madmadawgiisa

Marar badan oo la wayddiiyay xukuumadda waxa uu heshiiskani asal ahaan yahay; gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu ku jawaabaa in uu yahay “Concession” ee aanu illaa hadda ahayn heshiis rasmi ah. Dhinaca sharciga, sharci yaqaan ma ihi oo waxba ka ka odhan kari maayo, balse dhinaca luqadda “concession” waxa ay tahay in wax laguu siiyo si buuxda oo aan hadal ka soo noqon karin muddo cayiman. Sharci kolka uu yimaaddana asalka macnaha erayga la isticmaalayo kolka heshiiska la gelayo waa ka badh. La iskama odhan “concession”  ee wixii dhacay ee wakhtiga intaa le’gi galay ayaa sidaa ah, waana heshiis soo dhammaaday. Waxa ay ka dhammaatay cidda dhinaca Somaliland hoggaaminaysa ama metaylaysa oo aynu illaa hadda ka garanayno Dr. Sacad oo wasiir ah iyo Baashe oo ah wakiilka UAE ee Somaliland  iyo dhanka DPWorl ba.

Haddaad dib u xasuusataan heshiiskan wakhtigiisa waxa lagu sheegay 30 sanno iyo toban sanno oo loo korodhsan doono si bilaa shuruud ah. Kolka ay Af-Ingiriisida ku qorantahay waa sidan: (30-years concession with an automatic 10-years extension  [...])  Waxa looga jeedaa waxa ay tahay in 30 sanno ka dib aan loo baahnnayn sharciyaynta iyo dib u eegista heshiiskan, ee ay DPW haddii ay doonto si aan gabbasho lahayn u kordhisan karto maamulka dekedda iyo hawlaheeda oo dhan muddo kale oo ah 10 sanno.

“Nuxurkii hore ee September 2016 Wakiillada la soo mariyay, DPW waxa ay saami ahaan ku lahayd 65%, Somaliland na waxa ay lahayd 35%, Itoobiyina kumay jirin. Hadda oo ay Itoobiyi soo gashayna Somaliland waxa ay leedahay 30% halka ay Itoobiyi ka  yaalanayso 19%, DPW-na 51%. Golaha Wakiilladu halkaa su’aalo ayay ka wayddiiyeen wasiirka, inkasta oo aanu ka bixin jawaab xalaalaysa hinddisaha mashruucan iyo shaqada wasiirka laftiisaba. Wasiirku waxa uu sheegay in kolka hore ba ay heshiiska ku qornayd in Somaliland na ay saamigeeda cidda ay doonaan ka iibin karaan, DPW-na sidoo kale cidda ay rabto ka gadi karto. Waa runtiisa’e, heshiiska ay arrimaha sidaa u faahfaahsani ku qoran yihiin isaga iyo kooxda kale ee mashruucan la wadda ayuun baa og.

Xildhibaannada wasiirka wax wayddiinayaa heshiis may arag, meel ay waxaa uu sheegayaa ku qoranyihiinna il iyo baal toona may saarin. Wasiirka laftiisu waagaa hore waxa uu golaha ugu laab-qaboojiyay in waxa hor yaallaa aanu heshiiskii ahayn ee uu yahay “nuxurkii heshiiska, kolka ay kan ansixiyaanna, la horkeeni doono heshiis rasmi ah” Sidaasuu ka hor yidhi golaha oo uu weliba xubnihii kale ee xukuumadda ka socday kaga eray duwanaa, sida wasiirkii hore ee Maaliyadda oo iyadu Golaha ku tidhi “waa heshiiskii  waxan idin hor yaallaa’e waa in aad ansixisaan...”

 Mar kale wasiirka waxaa la wayddiiyay, haddiiba ay Somaliland iibisay inyar oo ka mid ah saamigeedii hore ee ahaa 35%, wixii lagaga iibsaday oo dabcan lacag iyo adduunyo ahi mee? Wasiirku isaga oo aan is dhibin waxa uu ku jawaabay arrin kale oo aynnaan waxba ka ogayn oo ah:  in lacagtaasi dib loogu celiyay DPW, sababtuna ay tahay 10% dayn ah oo aynu ka sii qaadannay DPW, kolkaa intaa yari waxay innaga dabooli doontaa qayb ka mid ah dayntaasi. Hadda waa Wallaahi! Dayntu maxay tahay, yaa qaatay? maxay u qaadatay?  halkay martay?  Xildhibaan kale ayaa wayddiiyay:  “Itoobiyi haddii ay heshay saami gaadhaya 19%, lacagta ay dekedda gashanayso ee ay maalgashiga kaga qayb qaadanasaana uu yahay  $80 malyuun, ma saamigaa intaa le’eg ayay siisatay 80-ka malyuun mise muddo cayiman ayay adeegga  dekedda isticmaali doontaa?”  Wasiirku waxa uu ku jawaabay “Lacagta DPW jeebka ku shuban maysee, dekedda ayay gelaysaa, lacagtuna saamiga waxba ka beddeli mayso...” Maxaad ka fahantay. Anigu maan fahmin. Waxaa se ii muuqata uun in Itoobiyi saami intaa le’eg bannaanka laga siiyay, adeegga dekeddana dalka keliya ee ka faa’iidaysan doona ay noqon doonaan.

“Nuxurka heshiiska” ee Golaha la horkeenay 2016 waxaa ku dhignayd ‘in aan labada saamilley, DPW  iyo Somaliland toona iibin karin saamiyadooda muddo shan sanno ah.’

Hal sanno gudahood waxaa saami heshay Itoobiya.  Ma hadalka hore ayaa been ahaa oo ka danbe ayaa run ah, mise sida kale?  
 

“[...] way kaa dhammaatay” Waa hadalkii Guddoomiyaha Wakiilladu uu ku hor joogsanayay doodda xildhibaannada ama uu ku jaanggooyay su’aalaha la wayddiin karo wasiirka. Xadayntaasi ma sharci bay ahayd, mise xeer-hoosaad Golaha uga yaalla doodaha noocan oo kale ah ayay ahayd? Caqligaygu waxa uu igu leeyahay edyad iyo afduub bay ahayd!

 Qaddarka su’aalaha iyo doodda qof kasta ama xildhibaan kasta maskaxdiisa ku soo dhici kartaa iskuwada mid ma noqon karto, Ilaahayba dadka ma simin, fahankoodana iskuma sar-jarin, awooddooda cabbir iyo hal-abuur koodana iskumid kama dhigin. Kolkaa, xildhibaanka aqalka fadhiya miyaanu xorriyad buuxda u lahayn in uu doodo oo maankiisa tuujiyo? Ujeeddada uu xilka u hayaaba miyaanay intaa ahayn? Haddii se la cabudhiyo, ninka cabudhinayaa ma awood sharci buu u isticmaalay, mise waa jujuub iyo rabshad?

Goluhu dimuqraaddi awalba muu ahayn oo sidii la doono ayaa laga yeeli jiray, iyaga laftooduna ay yeeli jireen, tani se waxa ay madmadaw xooggan sii gelinaysaa Berbera iyo arrinteeda.

Xildhibaan kale ayaa waxa uu wasiirka wayddiiyay: “heshiiska waxaa ku qoran in aynnaan deked kale dhisan karin, muddada heshiiskan wakhtigiisu uu noolyahay. Taasi miyaanay ka hor imanayn distoorkeenna oo suuqa xorta ah aad u ilaaliyay, islamarkaa aan oggolayn in cid  gaar ah ganacsi gaar ah loo xidho?” Wasiirku waxa uu ku jawaabay: “[...] inoo diidi maayo heshiisku in aynu deked kale dhisanno, waxaa ku qoran ‘container port kale’  ee deked oo dhan ma aha. Hadda waa Wallaahi! Intii aan Wakiillada su’aalaha loo furin waxaa hadalka la siiyay wasiirka. Warbixintiisii koobnnayd waxa ka mid ahaa, in berigii hore badeecadaha lagu keeni jiray jawaanno iyo saxaarado, maanta se dunida shay kasta lagu keeno koontiinnaro. Dekeddeenuna maanta aanay u diyaarsanayn in ay samayso adeeggaa koontiinnarada, kolkaa ay lagama maarmaan noqotay in aynu dekeddeenna horumarino. Kolka uu sidaa lahaa run buu sheegayay, kolka danbe se been buu sheegayaa!

Haddii wakhtigan aad deked dhisanayso, sida uu isba sheegayo, ku talo gelimaysid badeecad jawaan ku bush-qadaysan ama saxaarad ku qafillan, waayo cid isticmaashaa ba ma jirto. Kolka ay sidaa tahay, heshiiskiina uu dhigayo in aan la inoo oggolayn in aynu dhisaano  deked kale oo koontiinnar laga soo dejin karo, ama laga rari karo, maxay tahay waxa la inoo oggolyahay in aynu dhisanno, kolka Berbera laga tago?  Arrintu haddii ay sidaa tahay, wasiirka iyo xukuumaddiisu miyaanay khaayimiin dalkooda cid kale u loogaya ahayn? Haddii uu wasiir Sacad qodobkaa ka warhayo, muxuu u oggolaaday? Saw sir iyo caad ba uma oga in aan wakhtigan Koontiinnar mooyee aan deked wax kale laga soo dejin?

Wax aad ogtihiin ayaan soo celcelinayaaye, waxaa jirta shirkad uu wasiirku ku macneeyay ‘maaddaama aan Somaliland la ictiraafsanayn in ay maalgashiga u soo jiidayso’ oo uu isagu ka mid yahay maamulka sare ee shirkaddaasi. Islamarkaasina ku sheegay in ay dawladdu leedahay (malaha xukuumaddu ay leedahay ayuu u jeedaye; waayo dawladda anigaygan qalinka miciinsaday ayaa ka mid ah, waxbana kama ogi shirkaddaasi. Waayo dawladi waxa ay ka koobantahay laamaha ay ka midka yihiin, shicib, golayaal, booliis, milatari, iyo shaqaale, iwm) Shirkaddaasi fadhigeedu waa Dubaay sida uu isba sheegay, isaga cid aan ahaynna kamaynnaan maqal, madaxweynaha xitaa kamaynnaan maqal. Waxa aan caqligu oggolaan karin sida maalgashadayaashu ay u aqbali karaan, shirkad aanay aqoonsanayn dawladdii iyada lafteeda lahayd.  Haddii aan Somaliland la aqoonsanayn oo sababtaasi awgeed aan lagu maalgashan karin, ma shirkad ay shaqsiyaad ku diiwaan gashanyihiin ayaa la aqbalay?

Shirkaddu waxa ay suuqa maalgashiga dhigtay oo ay iibinaysaa waa hantida Somaliland, hantidaasina waxay ku hoos taallaa calan ay dawladi ka taliso. Ama halla aqoonsado amma yaan la aqoonsan; arrinta aqoonsigu waa wax kale. Dawladi dad bay wakiil uga tahay maamulista, horumarinta iyo ku fillaysiinta hantida uu dal leeyahay.

Somalilandwaxa ay doonaysaa ictiraaf, weli cid ictiraaf raadintaa innaga caawisa oo sharci yaqaanno iyo khubaro doonisteenna ku duufsan karta caalamka kale maynnaan samaysan. Haddii cid ina metelaysaa jiri lahayd, taa mid aynu uga baahi badannahay maanta ma jirto. Maalgashigu sidee buu kalsooni kuugu gelin doonaa dunida haddii ba jiritaankaaga aan lagugu aaminayn oo lagugu maalgashanayn, balse shirkad dad gaar ah ku diiwaan gashanni ku metelayso? Waxa aynu leenahay xukuumad si dimuqraaddi ah loo soo doortay, waxa aynu leenahay Wasaarad Maalgashi, mid Ganacsi, iyo shuruuc maalgashi oo ay Baarlamanku ansixiyeen. Nasiib darro se sida wasiir Sacad sheegayo waxaa ka saamayn badatay shirkad cid gaar ah ku diiwaan gashan. Waa suurogal in ay aqoondarro ina wada hasyo oo wasiirku innaga saxsanyahay, balse faahfaahintii aynu ku qanci lahayn inamuu siinnin, shakiguna wuu jirayaa inta uu laba eray oo iska hor imanaya ku jawaabayo.                          

Kolka xaal sidaa yahay, Golaha Wakiilladu ma shirkaddaa Somaliland uga wakiilka ah maalgashiga ayay la xaajoodaan mise xukuumadda? Dr. Sacad se labada midkeebuu metelayay maalintii uu Golaha horyimi?

“Nuxurkii heshiiska ee Golaha Wakiilladu ansixiyay 5tii September, 2016 waxaa ku dhignnayd in maalgelinta dekeddu ku kici doonto lacag dhan $442 malyuun. Mashruuca dib-u-dhiska dekedduna uu u qaybsanaan doono wejiyo is xig-xiga. Wejiga koobaadna uu noqon doono  in la dhiso  400 mitir oo ballaadhinta deked ah, iyo 250, 000 iskuweer-mitir oo bannaanka dekedda ah. Ballaadhinta dekedduna uu bilaabmi doono 12 bilood gudahood, hadda waa laga soo bilaabo bishii sagaallaad ee 2016, kuna dhammaan doono 24 bilood. Wax dhammaaday ha inoo joogee, miyaynu aragnay wax bilaabmay? Dib-u-dhacaa waxa sababay miyaa la inoo caddeeyay? Hadda shaqadii dekeddu way socotaa oo DPW ayaa maamusha’e la soco; heshiiskii qaybtiisii koobaadna wax ay ka fulisay ma jirto.

 

Laba yaan la isku qalddin!

Heshiiskan soo cusboonnaaday ee dekedda Berbera, DPW iyo Itoobiya waxaa aad uga qayliyay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo cid kasta oo Somaliland uga soo horjeedday Soomaaliland ahaan iyo qaddiyaddeeda gooni isku taagga. Cadawgii oo dhan ayaa qaylinaaya. Dareenkaa iyo caaddifaddaa cirka isku shareertay yaan looga faa’iidaysan in lagu qariyo qaladaadka iyo madmadawga ku jira arrinta maalgashiga dekedda Berbera. Maalgashiga kolka korka laga joogsado ee isha lagu dhufto lacag dhan 400 oo malyuun oo doollar waxa aan shaki ku jirin in ay caddahay sida ay waddanka Somaliland bashbash iyo barwaaqo ugu tahay. Su’aashu se waxa ay tahay, wixii ay faa’iido ku jirto ee soo kordhay in la wada arko, ugu yaraan in golihii sharciddejintu uu arko heshiis kaasi maxaa loo diiddan yahay? Waxa suurogal ah in aan wax madmadaw ku jiraa aanay jirin ba’e ay xukuumaddu hag-hago leedahay oo ay iyadu shaki abuurayso, iyada oo aan ku talo gelin.

Wixii la innagula heshiiyay halla caddeeyo macnaheeda yaan laga dhigin ‘heshiiskaa Ilaahay afka inooga soo geliyay ayaa laga soo horjeedaa’

 

 Gebogebo

Wax laga dhammaanayo ma aha oo anna qoraalkii wuu igu sii fidayaa, hadduu sidaa u sii dheeradona indhahaa ku daalaya, waxaan ku soo gebagaynayaa, xalaal iftiin baa la qashaaye, dalka innagaa leh oo cid innaga qaadi kartaa ma jirto. “Shimbiri maalin bay dab qaaddoo maalintiina buulkeedii bay kugbay;” inta aynu 27 sanno cidla ku xidhnnayn yaynaan maanta jar iska tuurine, iyada oo aan cid ina xoogaysaa jirin, haddana muran iyo colaado ka dhasha madmadawyada noocan ahi waxa ay carqalad innaga gelin doonaan horusocodkeenna iyo aqoonsi raadiskeenna. Mustaqbalkana waxa ay innagu keeni karaan qoomamo iyo dhaawacyo aynnaan ka soo kaban karin.

 

Mustafa A. Nuur

UK, London

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.