Ugaas Cabdirisaaq Kosaar Oo Maayirka Casimada u Soo Jeediyay Inuu Is Casilo


(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 14, 2018 13:16:48
Hoos Kaga Bogo Faahfaahinta Warkan

Ugaas cabdirisaaq kosaar cali Oo Ka mida madaxdhaqmeedka Somaliland ayaa dhaliilo culus u soo jeediyay Maayirka Caasimada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Caydiid Solteco .

Qoraal kooban oo uu kaga hadlaaya arintan Ugaasku Oo Soo Gaadhay Xafiiska war qabadka Ee HadhwanaagNews Ayaa u Dhignaa Sidan “Waxaan leeyahay maayirka hargeysa waad ku fashilantay shaqaxdii umadani ku soo dooratay ee waa in aad is casishaa, waxaanu aragnay sida ay wadooyinki caasimadu u jajabeen, qashinkii magaalada u buux dhaafiyay taasi oo sabab u noqotay shaqo xumada haysa dawlada hoose Oo uu Maayirku kow ka yahay .

Ugaas cabdirisaaq oo hadalkisa sii wataa waxa uu xusay in maayirku shaqada




kaga mashquulay madaxtooyada oo uu hadaba galin soo galaayo waxana uu Yidhi “ Maayirka markaad aragtaba waxa uu ku jiraa madaxtooyada waar bal inagaa wax aragnaya ma wasiir madaxtoyaa ayuu yidhi ugaas cabdirisaaq.

Ugaaska geesta kale waxa uu madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in uu kala diro golaha deegaanka oo ah gole shaqadoodii gabay.

HadhwanaagNews/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.