Xuseen Axmed Caydiid Oo Sheegay In Dariiq Sharci Ah Loo Maray Xil Ka Xayuubintii Xoghayaha Guud Ee Waddani


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2018 15:19:02
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Hargeysa (HWN) – Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in Ay Sharci Ahayd xil ka xayuubinta lagu sameeyay Xoghayihii guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi (Uur Cade).

Xuseen Axmed Caydiid oo arrimahaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Arrintaas haddii aad i weydiisay asbaabo sharci ah ayaa lagu saleeyay, dariiq sharci ahna waa loo maray, haddii aad la socoteen xisbigu mawqifkii ugu iska taagay Saldhigii Berbera iyo  Dekedaba Mawqifkii uu ka taagnaa.

Waxa kale oo aad la socoteen beri dhaweyd oo wax la isku yara qabtay dekeda Berbera iyo DP World oo hadal soo baxay iyada oo uu mawqifkii xisbigu taagan yahay.

Ayuu xoghayaha




guud isaga oo aan Xisbina la tashan ayuu dawladdaas Xamar oo ay dawladeena ayuu isaga oo aan afhayeen u ahayn xukuumadda ayuu jawaabay oo uu yidhi arrinkaasi waa arin xukuumadda, xisbiyadda iyo cid waliba ay isku raacsan tahay, manay ahayn sidaas.

Maalintii xigtayna waa kii guddoomiyaha xisbigu shir jaraa’id qabtay, aniguna waanigii la joogay ee faahfaahinta ku daray,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo u waramayay Bulsho.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.