Ra'isal Wasaaraha Ethiopia Oo Balanqaad U Sameeyay Dhalinyarada Waddankiisa + Sawirro


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2018 21:00:49
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Waddanka Ethiopia  Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay door laxaad leh siin doonto dhalinyarada, isla markaana ay ka go’an tahay sidii ay horumarka bulshadda uga shaqayn lahaayeen.

Sidaasna waxa uu ka sheegay Khudbad uu ka jeedinayay Munaasibad ay ka soo qayb galeen in ka badan 25,000 oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshaddu isla markaana ka dhacasay hoolka loo yaqaano Addis Ababa Millennium Hall.

Shirkan ayaa waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka socota




Dawladda Federaalka Itoobiya, Dawlad deegaanada, Haweenka, Dhalinyarada, hogaamiyeyaasha dhinaca diimaha, madaxda waxbarashada sare, aqoonyahanka. Wakiilada diblomaasiyiinta iyo bahda dhaqanka.

Sida ay ku soo warantay wakaalada wararka ENA Khudbadii uu halkaasi ka jeediyay Ra’isal Wasaare Abiy waxa uu inta badan kaga hadlayay isbedelada ay xukuumadiisu la damacsan tahay in ay ka samayso dhinaca dhalinyarada iyada oo ka shaqayn doonta sidii looga takhalusi lahaa shaqo la’aanta baahsan eek u habsatay dhalinyarada, taas oo ku khasbi  jirtay in ay dalkooda ka baxaan ama ay danbiyo kala duwan ku dhacaan.

Waxa kale oo uu xusay in ay wixii iminka ka danbeeya dadyoowga reer Ethiopia ay u jihaysan doonaan dhinaca horumarka,

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.