Awaab Abokor Caamir Oo Gabay Waana Ah U Tiriyey Beelaha Walaha Ah Ee Dirirtu Dhexmartay Ceel Afweyn


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 09:04:25
Bulshadeenu Dhaqan Bay Lahayd Lugu Dhabriiraaye.

Awaab Abokor Caamir Gabay Waana U Tiriyey Beelaha Walaha Ah Ee dirirtu Dhexmartay Ceel Afweyn

Bulshadeenu dhaqan bay lahayd lugu dhabriiraaye.
 
Dhalinyariyo waayeel midaan dhawrin malahayne .
 
Qaamuus ladheehday lahayd laguna dhaataa
 
Dhacdadii timaadana sibaa loo dhamayn jiray.
 
Waxa xaajo lagu dhererin jiray tii dhigeeda ah.
 
 Magantoo ladhawriyo ergada  dhiraha loo waabo.
 
Aan hadalka qaar lagula dhicin dhagara loo gaysan.
 
Xididkoo dhibaabiyo aff xumo lagula soo diiran
 
Oo sooryo aan kala dhinayn laysla dhinac taago.
 
Sodoh dhabar jabkeediyo abaal




weliba dheeraad leh.
 
Ciyi dhaxanta lala soo gudoo deriska loo dhiibo.
 
Sidaasaa murwaad dheeliyihi dhaax usoo jiray.
 
Aduunyadu intii ay dhisnayd dhibina way tiile.
 
Warkan xalayto soo dhacay cabdow dhagidi ii diidye .
 
Ceel afwayn dagaal lagu dhintiyo dhiilo lagu sheegye.
 
Dhiig talow dhaleeyiyo xigaal oday kasoo dheegmay.
 
Oo ceel kawad dhaansadoo
Dheeli wada jooga.
 
Oo waran is dhaafsaday intay kala dhaqaaqeen.
 
Ruuxii dhawaaqaa maqlaa dharasyey maantaase.
 
Ku dhantaalan ruuxii ku dhacay dhagar islamameedè.
 
Waxa laga dhaxlaa waa cadaab lugu dhamaadaye .
 
Abidkii dagaal wuu dhacaa dhimasho keenaaye.
 
Hayeeshee dhexbaa iman jirtiyo guurti  dhaadhida e.
 
Kuwaasaa dhamayn jiray wixii laysku dhaarsadaye 
 
Magta oo dharaar lagu baxshiyo dhogor lasoo taago.
 
Waxaa nabada lagu dhaadi jiray  seeto dhumuc wayne.
 
Inkastoo in badan laga dhursugay samirki dheeraaye.
 
Hadii aad markale dhaawacdaan waa dhegxumo wayne. 
 
Dhambaqiyo xumaan ruuxa wada xadhig ku dhuuxyeeya.
 
Ma-ogtahay dhuglaawow hadaad qaranka dhaadhyayso. 
 
Dhaygii  yimaadaba hadaad ceeb la dhalandhoosho .
 
uu dhiiri xumihii kutaro dhimasho weeyaane..
 
ma-ogtahay dhimaalaha ninkii dhaahiyaa tira e. 
 
umad yahay nin dhoohani haduu jebiyo  dhiilkaaga
 
Asuu ruux Ku dhaartoo bulshada dhiiran lagawaayo.
 
Mo ogtahay dhibtaa kugu dhacdee dhabarka kaa wiiqday.
 
Ma agtahay  dhukaan kugu jiriyo  dhugato weeyaane.
 
Suldaanada badhbuu dhiilo yahay dhihitinkoodiye.
 
Nabadana waxay dhaafsadaan  dhaale loo  qubo.
 
Shacabkiyo dhalaankay sidii dhidarka feenteen.
 
Dhagax bay kutuuraan samaha kuna dhantaalana.
 
Aakhiro madhaadaan haday dhuuni helayaan.
 
Dhibtoo soo noqnoqotaana waa dhaawac kugu yaale.
 
Dhaymaha waxaa lagu helaa talo ladhuuxaaye.
 
Qaran wuxuu dhaboobaa markii loo dhug leeyahaye.
 
Dheeraad waxaa lagu helaa samo la dhawraaye.
 
Isu soo dhawaanshaa umadi dhaxal ka tuugtaaye.
 
Hadii eelka laga dhawrsado aan  dhacanta loo jiidin.
 
Aan dhooba qaad xaalku noqon waa dhaliil culuse
 
Dhito waxaynu haynana amnaa ugu dhawaaq roone .
 
Waa dhardhaarka  aan haysanee dunidu dhawrtaaye.
 
Hadaan dhidibka loo wada adkayn dheeli shacabkiiye.
 
Ha dhantaalin laantana haday  dhiciso waa ceebe.
 
By abwaan  abokor caamir

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.