Ragbaa Xadhig Sameeyay Dumarkuse Xurmay leeyihiin.


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 10:05:48
Waynu Ognahay sharciga Somaliland u yaallaa iyo waxa u dhigayo lkn waa in Cafis Madaxweyne lagu Sii daayaa loona Caqli Celiyaa Innanta.

Waan ka Xumahay Xadhiga Naciimo Qorane, shaqsi ahaana way igubaysaa Saddexda Sanno ee lagu Xukumay,   Waa qof Dumar ah oo  Nisa ah  Runtii Waxaan U Malaynayaa in Haddalkii ay Qarankeeda ku durtay  in u kahaa garasho iyo aqoon ayna fahansanayn gefka ay ku halgaaday dalkeeda hooyo si ay uga farxiso ama  sharf uga hesho Nacabka Somaliland.

Waxaanse dowladda ka rajaynayaa In loogu Naxariisto gabadhnimada iyo garashadeeda haweenimo oo Aan waxba laka Soo qaadin "tix iyo tiraab Wixii ay tidhi" Runtii waan daawaday Haddaladii ay ka tidhi Magaalada Muqdisho, waxaanan aad u la fajacay Sidii ay ugu geftay dalkeeda lkn waa Caadifad  gashay Maskaxdeeda oo u baahan




in laga Saaro.

Waynu Ognahay sharciga Somaliland u yaallaa iyo waxa u dhigayo lkn waa in Cafis Madaxweyne lagu Sii daayaa loona Caqli Celiyaa Innanta.

Waxaan kale oo eray ka odhanayaa Sida looga falceliyay ama looga faalooday. dadka taageersan xadhiga gashaantidan geyigeeda ku geftay waxaan leeyahay haka tegina Naxariista iyo garashada toggan ee ay In farayso diinteena Suuban.

Sidoo kale waxaa jira Dhalinyaro gurdan raaca, oo aan Miisaamayn Qaranimadda Somaliland ee dhiiga ku joogta rayigooduna la,mid yahay ka Somalia ee Siyaasadaysan, Islamarkaana Aan u dhuglahayn wax yeellada waxa ay qorayaan.

Somalia: taageerayaasha Siyaasada Muqdisho, ee Sida qaloocan uga hadlaya Xadhiga Hal-abuuradan Maxay uga hadli waayeen dhacdooyinka fooshaxun ee ka Socda Somalia, Haddii Aan wax kale lagu qunsanayn.

Waxan Qodobkan kaga baxayaa tuducyadan gabayga ah ee u tiriyay  Qamaan Bulxan

 

Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane

Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne

Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.

 

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.