Xisbigga Kulmiye Ma Mid Qaran Baa, Mise Waa Mid Beeleed?


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 10:46:06
Intaas waxaa raaca in aan is xasuusino shuruudii laga doonayey urur siyaasadeedka in ay ahayd in uu ahaado mid ay ku wada jiraan dhamaan gobolada

Haddii aynu yara milicsano taariikhda xisbiga Kulmiye, waxaa urur siyaasadeed loo diiwaan galiyey sannadii 2002kii kadib geeridii madaxweyne Cigaal, amintaas oo uu madaxweyne Dahir Rayaale mudo laba (2) bilood ah ku daray diiwaangalintii urur siyaasadeedada, taas oo horey u xidhantay intii uu noolaa madaxweyne Cigaal. Halkaas waxaad ka fahmi kartaa in uu fursadaa dahabiga ah uu siiyey madaxweyne Rayaale, si Ahmed-siillaanyo iyo intii la socotay ay siyaasadda  uga qayb galaan, kuwaasi oo markii hore uga gole maagay rugcadaagii siyaasiga ahaa ee Maxamed Ibraahim Cigaal.

Intaas waxaa raaca in aan is xasuusino shuruudii laga doonayey urur siyaasadeedka in ay ahayd in uu ahaado mid ay ku wada




jiraan dhamaan gobolada iyo beelaha Somaliland, balse xisbiga kulmiye taas wuu baal maray oo waxa uu shirbeeleed ku qabsaday degmada Gar’adag sannadii 2008dii halkaas oo shacab iyo dawladba la daawaday lagana aqbalay xisbiga Kulmiye in ay Beeli gaar u maamulato, sidaas isaga oo xisbigani u jira ayaa doorashadii madaxtooyadda  ee 2010kii waxa dalkii lagu wareejiyey xisbigii ay beeshu maamulanaysay oo uu madaxweyne noqday nin beeshaas ka soo jeeda, anigu waan garan waayey in ay ahayd doorasho iyo in ay ahayd baad la siiyey reer gaara?!!.

Maanta waxa taagan in uu dhawaaq ka soo yeedhay oday dhaqameedka Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, isaga oo madaxweyne Muuse Biixi ku hadidaya in ay beeshiisu ka sugayso toobal-caarihii ay u dhiibeen…. Taasi oo aanu wali madaxweyne Biixi wax jawaab  ah ka bixin oo uu aamus ku jiro sidii nin gashi lagu leeyahay…

Haddaba waxaan weydiinayaa bulshada reer Somaliland xisbiga Kulmiye ma reer gaara ayaa iska leh mise waa xisbi qaran oo ay dadka Somaliland leeyihiin?

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.