Mandheera: Lix Qof Oo Laga Badbaadiyay Daad La Tagay Baabuurkii Ay Saarnaayeen + Dhaawacyo Soo Gaadhay


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 11:19:42
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Lix qof ayay dhaawacyo ka soo gaadheen ka dib markii baabuur ay la socdeen oo marayay Mandheera oo ku taala dalka Kenya uu daad xoog lihi qaaday.

Lixdaasi qof ayaa laga soo badbaadiyay daadadkaasi la tagay baabuurkii ay saarnaayeen, gurmad dheer oo loo galay ka dib 

Guddoomiyaha Degmadda Mandheera Ali Roba ayaa ka codsaday dadka deegaanku in ay ka fogaadaan meelaha ay biyo mareenadda ah si aanay khasaare uga soo gaadhin.

Sidoo kale Madax dhaqameedka deegaankaasi ayaa iyaguna




ka codsaday xukuumadda wadankaasi in sida ugu dhakhsaha badan ay u amarto in gudida la dagaalanka aafooynkku ay ka kulmaan khasaaraha ka dhacay gobolkaasi isla markaana dayactir loo sameeyo wadooyinka ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabka da'ay.

Warkan oo lagu baahiyay standardmedia ayaa intaasi ku daraya in ciidamada amaanku ay iyaguna guntiga u xidheen sidii ay wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa uga joojin lahaayeen baabuurta iyo gaadiidka.

Hadhawnaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.