Maxakamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Wiil Bogga Uu Facebookga Ku Leeyahay Ku Dhaliilay Madaxweyne Muuse


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 11:37:20
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa Maxamed Kayse Bigeeye ku xukuntay xadhig dhan hal sano iyo lix bilood, ka dib markii bogga uu ku leeyahay Facebookga uu ku soo qoray erayo ka dhan ah madaxweynaha Somaliland.

Maxamed Kayse Biggeeye ayaa la sheegay in xadhigiisa iyo xukunka lagu riday saakaba uu ka danbeeyay ka dib markii uu boggiisa facebooku soo qoray erayo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland Waa Local” waxaana in muddo ah uu ku jiray xabsiga.

Ma jiro war rasmi ah oo intii uu xabsiga ku jiray xukuumaddu ay ka soo saartay, hasayeeshee Gelinkii hore ee Maanta ayay maxkamadu xukunkaasi ku riday.






style="text-align: justify;"> Waa markii ugu horeysay ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay xasbiga u taxaabto qof fekerkiisa ku cabiray Barta uu ku leeyahay facebookga.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.