Hargeysa(HWN):-Agaasimaha fulinta komishanka qaranka ee xakamaynta Aids-ka (SOLNAC) ayaa munaasibad qado sharaf ah u sameeyay qaar ka mid masuuliyiintii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi,taas oo ujeedadeedu ahayd dhiiri galin iyo soo dhawayn uu agaasimuhu ku soo dhawaynayay masuuliyiintaas.
Hadhimo sharafeedkan uu agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aidsku Naasir Ayjeex Jaamac u sameeyay masuuliyiintan ayaa ka qabsoontay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa,waxaana xubnaha uu agaasimuhu casuumada qado sharafta ah ku maamuusay ay kala ahaayeen Agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Md. Axmed Cali Maax, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. C/kariin Siciid Xuseen, Gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda Md.
C/kariin Maxamed Xaaji Cali, iyo sidoo kale Dayib Aadan Xaaji Cali oo ah xubin ka tirsan komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland,waxaana intii ay munaasibadu socotay ay masuuliyiintu halkaas isku waydaarsadeen erayo dardaaran iyo hogo tusaalayn isugu jira oo uu agaasimuhu u jeediyay xubnaha uu marti-qaadka u sameeyay,waxa kale oo uu ku boorriyay inay si xilkas iyo daacadnimo ku jirto ugu shaqeeyaan bulshada qaybaheeda kala duwan islamarkaana si hufan uga soo baxaan shaqada uu madaxweynaha qaranku u igmaday.
Sidoo kale agaasimayaasha guud ee wasaaradaha horumarinta beeraha iyo ciyaaraha oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyay ayaa agaasimaha komishanka xakamaynta Aids-ka uga mahad celiyay hadhimo sharafeedka uu ku maamuusay waxaanay sheegeen inay si wanaagan u gudan doonaan masuuliyadda qaran ee uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay,waxaanay intaa ku dareen in hawlaha qaranka iyo shaqada ay ummadda uga masuulka yihiin ay si hufan uga soo bixi doonaan,maankana ay ku hayn doonaan masuuliyadda culus ee bulshada ka saaran islamarkaana si caddaalad ah ay ku maamulayaan hay’adaha ay masuulka ka yihiin.
Gabagabadii munaasibaddan hadhimo sharafeedka ahayd ee uu masuuliyiinta cusub u fidiyay agaasimaha fulinta komishanka qaranka ee xakamaynta Aids-ku waxay dulucdeedu ahayd mid uu ku dhiiri galinayay kuna soo dhawaynayay xubnahan kusoo biiray xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu agaasimuhu ugu duceeyay in Ilaahay ku asturo masuuliyadda loo igmaday,iyaguna sidii loogu talo galay ay uga soo baxaan xilkaa qaran ee ay qaadeen.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland