Madaxweyne Gaas Oo Amaanay Doorka Imaaraadka Uu Ka Qaatay Horumarka Puntland


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 15:22:52
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Boosaaso(HWN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya dalka imaaraadka carabta.

Madaxweyne Gaas oo maanta booqday xero ay ciidamada imaaraadku ku tababarayaan kuwa Puntland ayaa soo bandhigay taageerada ay ka helaan dawlada imaaraadka.

Ugu horayn madaxweyne Gaas oo ka hadlaya booqashada uu ku tagay xerada ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaan soo booqday xerada tababarka ciidanka bada Puntland aniga oo u imid inaan soo booqdo ciidanka oo aan doonayo inaan ogaado xaalada ay ku sugan yihiin iyo shaqada ay dalka u hayaan.”

Madaxweyne Gaas oo ka hadlaya xidhiidhka ka dhaxeeya imaaraadka carabta ayaa waxa uu yidhi “Dawlada imaaraadka carabtu waa dal aanu





la leenahay xidhiidh soo jireen ah waxaana naga dhaxeeya xidhiidh ganacsi, iyada oo dawlada imaaraadkana uu naga dhaxeeyo xidhiidh la xaga amniga ah kaas oo ka kooban la dagaalanka xagjirnimada kuwaas oo naga taageera la dagaalanka Daacish iyo Alshabaab,waxa kale oo xidhiidhkaasi daarayaa la dagaalanka budhcad badeeda, la dagaalanka tahriibka, la dagaalanka kaluumaysiga sharci darada ah, intaas oo dhan waxa qabta ciidanka aan maanta xeradan ugu imid, ciidankaas oo tiradoodu ku dhaw dahay 2000 kuwaas oo ka hawl gala deegaanada Puntland oo dhan bad iyo beri, waxay joogaan Garicad ilaa Boosaaso ilaa Ceelaayo.”

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa codsi u diray dawlada imaaraadka ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka codsanayaa dawlada imaaraadku inay sii wado tababarka ciidankaas oo ay joogaan, ciidankuna waa jirayaaa, tababarayaasha dawlada imaaraadkuna way joogayaan, taageeradii ay ciidanka siin jireena waxaanu codsanaynaa inay sii laban laabaan.”

Gaas ayaa soo bandhigay mashaariicda ay dawlada imaaraadku ka fulinayso maamulka Puntland waxaanu yidhi “Dawlada Imaaraadka carabtu waxay ka waday Puntland maal gelin lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha, boqolaal milyan oo doolar ahna way ku maal galinayaan taas oo ay ugu horayso balaadhinta dekeda Boosaaso anaga oo rajaynayna mashaariic kale oo soo socda oo ay ka mid yihiin  Free Zone-ka, warshadaynta iyo wadooyinka kuwaas oo hada hawsha la hadalkoodu ay noo socoto dawlada imaaraadka.”

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay inaanay jirin dawlad ay ku doorsanayaan tan imaaraadka marka la eego taageerada ay ka helaan waxanu yidhi “markaa way muuqataa in ama ha noqoto taageerada milatari iyo tababar ee ay siinayaan Puntland iyo soomaaliya ama ha noqoto taariikhda soo jireenka ah iyo xidhiidhka ganacsi ee naga dhaxeeya ama ha noqoto maal gelinta ay u samaynayaan soomaaliya intaasiba waxay noo cadaynaysaa inaanay jirin cid noola siman ama noola badali kara dawlada imaaraadka carabta.”

Ugu dambayn madaxweyne Gaas ayaa ka cawday wararka lagu baahiyo baraha bulshada waxaanu yidhi “Baraha bulshada waxaad moodaa inay noqdeen meesha soomaaliya laga duminayo ee laga wado borobogaandhada, waxaan jirina laga sheegayo, ciidamo ayaa baxayey oo diyaarad ayaa laga hor istaagay waxaas oo dhan oo been ah oo laga waday baraha bulshada sax maaha, waxaana wanaagsan in saxaafadu noqoto mid masuuliyad wata.”

Halkan Guji Oo Daawo

Hadhwanaagnews.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.