Weeraryahanka Mahamed Salah Oo Taariikh Cusub U Dhigay Kooxda Liverpool Iyo Ciyaaryahanada Afrikaanka Ah Ee Ka Dheela Horyaalka England


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 19:52:02
Weeraryahanka Mahamed Salah Oo Taariikh Cusub U Dhigay Kooxda Liverpool Iyo Ciyaaryahanada Afrikaanka Ah Ee Ka Dheela Horyaalka England

Weeraryahanka u dhashay dalka Masar una ciyaara kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska ee Liverpool ayaa taariikh cusub u dhigay ciyaaryahanada ka soo jeeda qaarada Afrika ee ka dheela horyaalka England.

Weeraryahanka Mahamed Salah ayaa xili ciyaareedkan hada socda waxa uu noqday ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan ee ka soo jeeda qaarada Afrika kaas oo ka ciyaara horyaalka England.

Gool uu weeraryahan Mahamed Salah u dhaliyey kooxda Liverpool kulan ay sabtidii la yeesheen Bournemouth ayaa tirada goolasha uu xili ciyaareedkan dhaliyey ka dhigay 30 gool, iyada oo ay wali kooxdiisa Liverpool u hadhsan yihiin dhawr kulan oo ka tirsan horyaalka.

Mahamed Salah ayaa




rikoodhka cusub ee uu u dhigay ciyaaryahanada Afrikaanka ah ee ka ciyaara horyaalka England waxa uu kala wareegay weeraryahankii xulka Ivory Coast iyo kooxda Chelsea ee Didier Drogba, kaas oo xili ciyaareedkii 2009-2010 kooxdiisa u dhaliyey goolal gaadhay 29.

Sidoo kale weeraryahanka Mahamed Salah ayaa ilaa hada xili ciyaareedkan kooxdiisa Liverpool u dhaliyey goolkii 40aad marka laysku daro goolasha uu ka dhaliyey dhamaan tartanadii kala duwanaa ee ay kooxdiisa Liverpool ka qayb gashay, isaga oo noqonaya ciyaaryahankii ugu horeeyey ee goolal tiradaas gaadhaya u dhaliya kooxda Liverpool xili ciyaareed kaliya, waxaanu taariikhda rikoodhhkaas kala wareegay La Tush oo hore ugu ciyaaray Liverpool.

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.