Guddoomiyaha Geed-Balaadh Oo Wasaarada Beeraha iyo Maamulka Gobolka Qeylo-dhaan u Diray


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 20:52:47
Guddoomiyaha Geed-Balaadh Oo Wasaarada Beeraha iyo Maamulka Gobolka Qeylo-dhaan u Diray

Geed-Balaadh(HWN)-Gudoomiyaha Degmada Geed-balaadh ee katirsan Degmooyinka Dhulbeereedka Gobolka Gabiley,Cabdinaasir Mahdi Muxumed ayaa,baaq qeylo dhaan ah oo ku wajahan dadweynaha danyarta ah ee Deegaankaasi u gudbiyey,Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Maamulka Gobolka Gabiley,isagoo ku baaqey in hoos loo eego waxtarna looga geysto,xiliga Gugga oo ay beeraleydu si weyn ugu dhegtaageyso,in laga kaalmeeyo dhinacyo badan oo duruufa adagi ka heysto xiligan.

Cabdi Naasir Mahdi Muxumed,Gudoomiyaha Degmada Geed-balaadh oo khadka isgaadhsiinta ugu Waramey Shabakada Warark hadhwanaagnews,ayaa sheegay in dadweynaha kunool Degmada Geed-balaadh ee beeraleyda ahi,wakhti adag iyo duruufo badan kala kulmeen abaarihii Deegaanka iskaga dambeeyay,taas oo aaney uga caban haseyeeshee,ay u adkeysteen marar badan oo Wasaaradda Beeruhu kormeer iyo




qiimayn ku sameeyeen Beeraleyda Gobolka Gabiley Degmooyinka iyo Tuulooyinka iyadoo Degmada Geed-balaadh kamid tahey Degmooyinka had iyo jeer beeraleydu duruuf kasta ku waajahdoWaxsoosaarka,oo ay uga faa,ideysan jireen inta badan Biyaha Baliyadda oo ay ku beeraan khudaarta noocyadeeda kala duwan iyo mujtmaca intiisa badan oo iyaguna beer Roobaadka ku iimaansada kuwaas,oo u badan danyarta aan awoodin Saacadaha beer qodashadda.

“Baaq Qeylo dhaan ah Ayaanu u gudbineynaa Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Maamulka Gobolkaba annagoo ka duuleyna Xilliga curashadda Gugga maadaama maanta mujtamaca ugu badan ee Beeraleyda Geed-balaadh u badan yihiin danyar aan awoodin qodashadda Beerta duruufo adagna soo marey,waxaanu baaqayaga ugu gudbineynaa in hoos loo eego,oo gacan laga siiyo dadkaa danyarta ah sababtoo,ah annagana masuuliyad ayaa naga saaran,Maamulka Gobolka ka saaran,oo Xukuumadda ka saaran gaar ahaana Wasaaradda Beeraha wey jiraan Deegaano nala mid ah iyo kuwa na dhaama labaduba laakiin in aanu isa sheegnaa waa waajibka na saaran”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Geed-balaadh.

Waxa kale oo,uu intaa ku darey hadalkiisa, in ay naf ka tahey Baaqa ay u gudbinayaan Wasaaradda Beeraha iyo Maamulka Gobolkuba,taas oo ay sababtey duruufta iyo wacyiga haysta,dadka beeraleyda ah eek u dhaqan Degmada Geed-balaadh.

Gabagabadiina,waxa uu Sheegay Gudoomiyaha Degmada Ged-balaadh in ay dhawaan ku wareejiyeen Maamulka Degmada iyo Gobolka Gabiley dhulkii laga dhisi lahaa Saldhiga Ciidanka Booliska taas,oo hadda hawshiisa la bilaabey isagoo,Ganacsatada iyo Qurba jooga kasoo jeeda Degmada Geed-balaadhna u jeediyey in ay ka qeyb qaataan hurumarka iyo kaalmada Degmada si la isugula jaanqaado,yoolka ay higsaneyso Degmadaasi oo istiraatijiyad dhinaca Waxsoosaarka,Beeraha iyo Xoola dhaqatada ah leh si ay ula tartanto Degmooyinka lamidka ah ee Xuduuda ku teedsan.

Degmadda Geed-balaadh,ayaa inta badan caan ku ah in ay Xoog u camiranto Xiliga Jiilaalka iyo Barwaaqadaba maadaama ay ku wareegsan tahey dhulbeereed,aad u badan oo dhinac walba ka xiga iyaddoo,xiliga jiilaakiina Xoola dhaqatadu uga soo aroorto Deegaano aad u fogfog Ceelka Weyn ee Geed-balaadh oo Xooluhu ka cabaan habeen iyo Maalin. 

Hadhwanaagnews,Office

Hargaysa,Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.