Madaxwayne Muuse Biixi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiraxiim Caabi Faarax


(Hadhwanaagnews) Monday, May 14, 2018 19:52:12
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka,  aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxiim Caabi Faarax oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 14/05/2018, dalka maraykanka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey diblumaasi, waayo arag ah oo taariikh ma guuraana ku leh caalamka iyo dadka ku hadla afka Soomaaliga meel ay joogaanba, isagoo marxuumku soo qabtay 1961-1965 xilka safiirkii ugu horeeyay ee dalkii soomaaliyeed u fadhiyey Dalka Ethiopia, 1965-1972kiina wuxuu noqday




wakiilkii qaramada midoobay ee dalkii la isku odhan jiray soomaaliya, 1973-1978 wuxuu noqday kaaliyaha xoghayaha guud ee QM, 1979-1990  wuxuu noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka,  aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.