Waxaan Doonayaa Inaan Saamayn Togan Ku Yeesho Codbiyeyaasha Agtooda, Anigoo Ah, Murashax Maxamed Cali Xussen


(Hadhwanaagnews) Tuesday, May 15, 2018 09:20:58
Sidaa darted waxa iga goan inan hantiyo quluubta hormoodka taageerada Somaliland oo ah aqoonyahan da’da yare e dalkeena

Waxaan ka soo jeedaa xooga ugu badan Somaliland sidoo kale waxaan ka soo jeedaa cida bixisa codka ugu badan, waana dhalinyarada Somaliland hankaygana iyagoo hormoodka u ah

 

Waxaan u taagnahay oo aan u sharaxanahay dhalinyarada waxaan ahay hiilka dhalinyarada islamarkaana aan ku matali doono dhalinyarada shaqo wanaag iyo hal- abuurnimo maskaxeed

Sido aan hore ugu hamiyey inan hargeysa ka noqda Maayir ka hargeysa

Sidaa darted waxa iga goan inan hantiyo quluubta hormoodka taageerada Somaliland oo ah aqoonyahan da’da yare e dalkeena

Marhore iyo mardanbebe waxaan aaminsanahay fikirka ah waxaa ina mideeya ayaa ka badan waxaynu ku kala duwanahay  hadaynu nahay dhalinyaro






style="font-size:16px;">Sidaa darted hadii waxa ina mideeya la horumariyomicnaheedu waa guul iyo talaabo hore loo qaaday

Ma doonayo inaan ahaado mid dadka dulmiya amase la dulmiyo.

Ma doonayo inaan laaluush iyo musuqmaasuq ku soo baxo ku raadiyad taageero.

waxaan  doonayaa horumarka dalka dadka  hadii ay ila fahmaan waxa ila fahmi kara dhalinyarad aqoonyahanka ah.

Ma doonayo  xisbi mana diidayo xisbi kale waxaan doonayaa doorasho

xor iyo xalaal ah oo qaab hufan oo cilmi iyo caqliba ku  jiro loo tartamo oo lakala helo kuraasta deegaanka iyo wakiilada  Somaliland 2019

 

·       Ma ihi siyaasi? waxaan ahay qof ka ay masuuliyad gubayso oo raadinaya halkii uu wax ka qaban lahaa

Ee aan ku haboonaa aragti ahaan khibrad iyo shaqo ahaan

Waxaan doorkan manta ah u dadaalayaa sidii aan hargeysa meeqaamkeedii iyo milgaheedii caasimadeed ee ay mudan tahay u muujin lahaa isha alah

 

·       Maxaan kaga duwanahay murashaxiinta kale?

Ma rabo qoqob iyo qabyaalada iyo qaybsanaanta  xisbiyada

Waxaan u taagnahay Daryeelka Diinta iyo dadka wado kasta oo adag oo xalka umada aan u arko waa waajib in maro.

Aragti ahaan xisbiyada waxaan ka aaminsahay  hanti qaran , sidoo kale waa xarunta hogaamiyeyaasha bulshada laga soo saaro ama laga doorto

Hadaba qofku markii uu intaa ogyahay ee uu han hogaamineed yeesho muxuu u arkaa ka mid ahaanshaha asxaabta?

Wuxuu u arkii dariiqii uu ku gaadhi lahaa hadafkiisa iyo inay yihiin xisbiyadu schools ay dhigtaan dadka hirgelinaya hadafyadooda si ay fulin iyo ficil uga  dhigaan wixii ay ku hamiyeen

Lknse dad badan waxay u arkaan kamid ahaanshaha xisbiga fikir ama sida qadiyada loo aaaminsan yahay oo kale ayey u fahmayaan taasi maaha wax ina anfacaya

Micno wayn ii samayn mayso inaankala dhawaysto sadexda xisbi balse waxa guul ii ahaan lahayd midkood hadii uu ka kale wax dheer yahay taasina ma jirto

·       Maxaan ku soo kordhinayaa xisbiyada  iyo komishanka doorashooyinka Somaliland?

Xisbiyada waxaan leeyahay sida ubadkiina mustaqbalkooda aad ugu fikirtaan uga fikira mustaqbalka dalka oo u hagar baxa dalkiina joojiya danaysiga iyo damaca shaqsiga ah

Sidoo kale dadka ka joojiya olalahan banaanbaxa ee aan aragtida dheer ku dhisnayn ee dadka inta meel lagu soo ururinayo waliba ay intii isku hayb ahiba meel gooniya  inta lambar ama calaamad la siiyo loo garanayo heer hebel

Tusaale ahaan doorashadii golayaasha deegaanka ee 2012  kii si talan taali ah ayuu komishinku waqtiga ugu qaybiyey ururada oo tiradoodu ahayd 7, ururkastana wax aka sharaxnaa 25 xubnood , xubinkasta waxay lahayd number u gaar ah oo lagu garto sidoo kale sadexdii maalmoodba hal marbay tagi jireen khayriyada iyaga oo astaantiisa wata oo reer ahaan usu soo urursaday cidwalibana og tahay numbekana uu cadayn khaas ah yahay .

 Hadiba si looga waantoobo muujinta qabyaalada waxaan xal u arkaa in la joojiyo isu soo baxyada olalaha doorashada

·       Olale noocee ah ayaan rabaa inaan soo bandhigo?

Olalaha aan rabnaa waa inuu gudbinayo fariin ah inaan dadkan iyo dalkan u damqanayo oo aan u taagnahay inan wax ugu filanahay waxna aan soo kordhin doono.

Olaluhu maaha inaan waqtiga bulshada kaga lumiyo inaan idhaahdo soo isu soo baxa oo intaad I dhagaysataan oo ii sacaabisaan kadibna guryihiinii ku laabta waxaan u arkaa in dadka caqligoodii lhoos loo dhigay.

 

·       Qaabkaan Rabo in loo Olaleeyo waa side?

Xisbi kastaa marka uu codsiga  murashaxa qabto ee uu ducementiga rasmiga ah ee waayaha nolaleed ee murashaxu ku dhigan yahay helo

Waxa uu qaban qaabin toona xisbiyahano iskugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin waayo arag iyo dad khibrad u leh shaqadan iyo noocyada kala duwan ee ururada bulshada intaasi oo layskugu keenay madal loo qorsheeyey ayaa inta la soo horfadhiisiyo waxay  barmaamijkiisa sulaalo la xidhiidha waydiin doonaan murashaxa.

Murashaxa ay dadku u gartaan inuu yahay kii ku haboonaa ayaa halkaasi ka soo baxaya ilayn dadku waxay ku qiimayn doonaan fikirka uu lawadaagay iyo barmaamijka ka dhex guuxaya 

Hadii xisbi kastaa soo agaasimo qaabkaasi cilmiyeysan waxa sidoo kale isbadali doona qaabka qalafsan ee bulshadeenu murashaxiinta ku qiimeeyaan ,

·       Komishanku shuruudaha sharci ee waajibka ah hamariyeen murashax kasta

murashaxa sida ay tahay u fuliya isha alah sidoo kale waxka badal ku sameeya qaabkan olaha ee ah inay dadku isu soo baxaan hadii ay macquul tahayna joojiya oo dadka waxa lagala hadli karaa warbaahinta

Hadii aan la joojin karina soo kooba waqtiga idiinkoo ixtiraamaya Diinta , dhaqanka iyo isjecaylka dadka reer Somaliland waayo markasta oo dalku doorasho galayo waxa midabo quruxbadan loo mariyaa qabyaalada oo reer reer bay dadku u kala baxaan dantooda gaarka ah sidaa awgeed  hadii la joojiyo isu soo baxyada olalaha waxbadan waa talaabo hore loo qaaday

·       Madaxweynaha waxaad ogtahay ayuumbaan umadana xasuusinayaa

Mudane madaxweyne waxan ku leeyahay ilahay haku waafajiyo xaqa

Doorashadii aad ku soo baxday  madaxweyne waad dareemi kartaa sidii loo soo halgamay muxaafid iyo mucaaradba hadana garri laba nin kama wada qoslisee aday dadku kuu garteen inaad hogaamiso.

Mudane madaxweyne, Xiligii olalaha doorashada madaxtooyada ee JSLwaxaynu soo marnay xaaladdoaa u qalafsan oo  ay qabyaaladu gaadhay heer aad u ba’an.

 

Hadaba wali may is waydiisay xaaladihii qoqobka iyo qabyaalada sidii loo maarayn lahaa?

Markasta oo dalka ay doorasho ka qabsoonto waa wax iska dhaca iyo kala qoqob iyo qabyaaladi timaado, hadaba qorshaha anigu aan qabo waxa uu yahay in wax laga badalo habka olalaha banan baxyada la sameeyo xiliga doorashada .

Murashaxkastaana  uu barmaamijkiisa ku soo bandhigaa warbaahinta oo uu halkaasi bulshada ka waydiistaa codsigiisa

Mudane madaxweyne waa markii ugu horaysay ee doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada halmar lawada qabanayo sanadka soo socda ee 2019

Si loo xakameeyo qabyaalada inu dhexfiday in olalaha isu soo baxyada la joojiyo waa halka kalliya ee xiliga doorashada samayn karo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamed Cali xuseen (Azhari)

Ahna Musharax u Tartamaya Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa 2019

[email protected]

Hargeysa, Somaliland

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.