Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Isugu Jira Oo Ka Dhashay Shil Baabuur Oo Degmadda Toon Ka Dhacay


(Hadhwanaagnews) Tuesday, May 15, 2018 22:12:49
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Allaah Haw U Naxariistee Waxa Dhintay 6 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 13 qof ka dib markii Baabuur xamuul siday oo ka tagay Magaaladda Hargeysa uu kula qalibmay Deegaanka Toon oo u u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley.

Dadka inta dhimatay ayaa waxa ku jiray laba Gabdhood oo walaalo ahaa, waxaana looga soo gurmaday Magaalooyinka Sallaxley iyo Hargeysa.Baabuurkan oo ahaa nooca xamuulka qaada ayaa ku sii jeeday




Degmadda Sallaxley iyo Deegaamadda Hoos Yimaada, waxaana wararku ay sheegayaan in Ku Dhacay Wadada dhinaceeda, isla markaana khasaaraha ugu badani ee dhimashada iyo dhaawacaba isugu jirta uu geystay markii uu ku jiifsaday dadkii Rakaabka ahaa.

Mid ka mid ah dadkii goobta uu shilku ka dhacay soo gaadhay ayaa u sheegay Hadhwanaagnews in uu ahaa shil baabuur oo uu arko kii ugu Naxdinta  badnaa, maadaama oo uu soo dul sitaagay Dadkii oo uu ku jiifo baabuurku isla markaana uu arkayay dad badan oo mayd ah. "Walaahi walaal wuxuu ahaa shilkii iigu naxdinta badnaa ee aan arko, iminka oo aan kula jooggona kolba maskaxdayda ayuu xasuus ku soo celinayaa, waxa malaha iga soo horeeyay dhawr qof, markii aniga iyo koox aan ku jiraa aanu ka nimid dhinaca degmadda Sallaxley oo aanu kaga qayb galaynay xuska `18ka may, waxaanan mar keliya aragnay baabuur wayn oo jiifa iyo dad laga soo hoos gurayo, markaas waxa dibada loo soo saaray laba qof oo mayd ah" ayuu yidhi goob jooggahaasi. Shilkan ayaa ahaa kii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Sallaxlay Iyo Hargeysa in dhawayd.

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.