Wararkii U Danbeeyay Ee Dagaalkii Tukeraq


(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 16, 2018 07:42:07
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Ciidamada qaranka Somaliland ee jiidda gobalka Sool, gaar ahaan fadhiisinka Tukaraq ayaa iska difaacay weerar ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Puntland ayaa shalay subaxnimadii




hore iyagoo doonayay inay ka faa’iidaystaan dabaal-degga maalinta xuska qaranimada Somaliland oo ay ciidamadu marayeen, waxa ay weerar ku soo qaadeen ciidanka qaranka. Laakiin ciidanka ayaa iska difaacay weerarkaas, waxaanay dib ugu celiyeen maleeshiyaadka Puntland jiiddii ay ka soo duuleen. Dagaalka oo ahaa wakhtiyo kala duwan oo ay Puntland weeraro soo qaadeen ayaa socday saacado badan.

Warar madaxbanaan oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Ciidanka qaranka Somaliland ay Puntland gacanta kaga dhigay 7 ah baabuurta dagaalka iyo hal kaare, waxa kale oo ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad badan oo ay ka yaaceen. Sidoo kale waxay ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo aan tiradooda la sheegin.

Somaliland waxa dagaalka lagaga qabsaday Hal beebee, lamana hayo baabuur dagaal iyo maxaabiis ay ka qabteen Somaliland. Ciidanka qaranka Somaliland waxa ka geeriyooday lix askari oo uu mid ahaa taliye guuto Marxuum Maxamed Daauud Nuur, dhaawaca ayaa sidoo kale 12 askari oo ka dhaawacmay ciidank qaranka Somaliland.

Wararka laga helayo magaalada Garowe, ayaa iyaguna sheegay in dhaawaca maleeshiyaadka Puntland uu marayo 35 askari, halka dhaawacu yahay 56 la geeyay cisbitaalka magaalada Garowe. Magaalada Garowe ayaa shalay laga maqlayay dayaanka rasaasta ay ciidamadu isweydaarsanayeen maadaama oo ay ciidanka qaranku dhaafeen deegaanka Tukaraq ee ay ku sugnaayeen markii hore, iyagoo dhinaca Garowe ee laamiga u baacsaday maleeshiyaadkaas.

Cisbitaalka ugu weyn magaalada Garowe ayay dadka shacabka ahi shalay ku urureen si ay uga dhex goobaan eheladooda askarta Puntland ah ee dhaawacooda la soo gaadhsiiyay.

Geeska afrika




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.