Qayrkii Ka Hadhe Waa Ninkii Qalay Walaalkii


(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 16, 2018 11:08:58
Umada isticmaasha baraha bulshada ee umada isku diraysaa haka waan toobaan xumaha iyo qabyaalada ay ka hurinayaan baraha bulshada dhexdooda

 

Waxan umada somaliland dhaaanteed ugu baaqayaa inay door wanaagsan oo walaalnimo ku dheehantahay ka qaataan dagaalada ka socda deegaanka ceel-afwayn halkaasi oo ay ku dagaalamayaan laba beelood oo walaalo ah oo ood wadaag ah waan umada aan laysku dilin ee ilaahay dartii loo kala dhexgalaa oo nabad waarta deegaankaasi lagu soo dabaalaa manta inagama go'o qof inaga dhintaa waana ayaan daro in deegaanada bariga soomaliland ay dagaaladu ku soo qonoqonayaan oo maalin nin aan waxba galabsan oo dambigaysan aano qabiil loodilo waana dambi aad uwayn in dhiig islaam ladaadiyo  waa in arinta geedkii  lagu dhamayn jiray lagu dhameeyaa oo laga odayeeyaa ee aan laga inaadeerayn waa lafuliyaa heshiiyadii lagay eeku saabsanaa




colaadaha xalintooda.

Umada isticmaasha baraha bulshada ee umada isku diraysaa haka waan toobaan xumaha iyo qabyaalada ay ka hurinayaan baraha bulshada dhexdooda qofkastaa waa in uu ogaadaa in erayga afkiisa ka soobaxaya ee qabyaada xambaarsan iyo isku idirku uu ka halis badanyahay ka qoriga sita ee walaalkii dilaya waanad simantihii xagga dambiga adiga iyo ka dilka gaystay waayo haddii aanad adin kaga qayb qaadan colaada afbaad kaga qaybqaadatay ilaahayna kaaqa tagimaayo sixun usheeg sixir kadarn ayey soomaalidu ku maah-maahdaa ilaahay laga cabsado oo umada hala kala maareeyo

Xukumaduna waa inay gacan bira ku qataa cidda colaada hurinaysa shacigana keentaa oo aan waa ina hebel lagu dayn  ee  sharciga islaamka la mariyaa.

 

Allah mahadle

Mohamud Ismail

E-mail: [email protected]

Mobile 0633926494

 

*********************************************************************

 

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.