Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Maroodi Jeex Oo Shacabka Somaliland Ugu Hamblayeeyay Curashada Bisha Ramadan


(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 16, 2018 17:18:27
Halkan Hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee Gobolka Maroodi Jeex Xuseen Aadan Cadde ayaa shacabka somaliland iyo taageereyaasha xisbigaasi ugu hambalyeeyay curashadda bisha Barakaysan ee Ramadaan.

War qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyay shabakada wararaka ee Hadhwanaagnews ayaa yidhi "Waxa aan shacabka somaliland, taageereyaasha xisbiga Wadani iyo guud ahaanba ummada Muslimiinta ah aan ugu hambalyaynayaa Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu sanadkan kiisa kale ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.

waxa aan shacabka somaliland meel kasta oo ay jooggaanba aan dhinaca kale xasuusin lahaa in ay kooda jilicdasan ogaadaan oo inta lagu guddo jiro bisha ramadaan ay badiyaan sadaqadda" ayuu yidhi.

 









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.