Duufaan La Saadaaliyay In Ay Ku Soo Wajahantay Xeebaha Dhulka Soomaalida


(Hadhwanaagnews) Thursday, May 17, 2018 08:33:21
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa Dadka Cimilada Saadaaliyaa ay sheegayaan in ay ka soo kacayso waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO.
 
Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe.
 
Hay'addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah.
 





style="text-align: justify;"> Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn.
 
Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay'adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.
 
BBCSOMALI



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.