Barcelona Oo Ku Guulaystay Koob Lagu Xusyay Nelson Mandela


(Hadhwanaagnews) Thursday, May 17, 2018 09:01:26
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona ayaa safar ku tagtay qaaradda afrika, waxaanay safarkeedaasi ku gaadhay Dalka Koonfur Afrika.

Safarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii ay uga qayb geli lahayd ciyaar ku tirsanayd Xuska Madaxweynihii hore ee wadankaasi Nelson Mandela ayaa waxa ay iskaga hor yimaadeen kooxda calanka u sida horyaalka Waddanka Koonfur Afrika ee Mamelodi Sundowns, waxaanay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan.



sans-serif, sans-serif; letter-spacing: 0px; text-align: justify;"> Garoonka ay labada kooxood iskaga hor yimaadeen ayaa waxa ku sugnaa dad lagu qiyaasay tiradooda 80,000 oo qof kuwaas oo u soo daawasho tagay ciyaartan xiiso badan, isla markaana ay labada kooxood ku kala qaadayeen koob lagu xusayay Nelson Mandela.

Kooxda Barcelona ayay guushu ku raacday 3 gool oo ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanadeeda kala ah Ousmane Dembele, Luis Suarez iyo  Andre Gomes, Halka Goolka madiga ah ee dhinaca kooxda Mamelodi Sundowns uu u dhaliyay ciyaaryahan  Sibusiso Vilakazi.

sidaas ayaanay kooxda Barcelona ku qaaday koobkaasi lagu xusayay Madaxweynihii hore ee wadanka Koonfur Afrika Nelson Mandela oo noqonayay madaxweynihii ugu horeeeyay ee wadanka Koonfur afrika loo soo doorto si madax banaan, ka dib markii uu dalkaasi xornimadiisii dib u helay.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.