Qoraa Hal-Abuur Xamse Riiraash Oo Maanso Katiriyay Bisha Rammadaan By Hamse Riraas


(Hadhwanaagnews) Thursday, May 17, 2018 11:09:23
Axadiistii Rasuulkuna, Horey Ugu sheegeen, Inay tahay bilkhayr lehoo,

Qoraa hal-abuur Xamse Riraash Oo maanso Ka Tiriyey Fadliga Ramadaanku Leeyahay

 


Waxa iftiintay ashhar
Ajarkeedii uu weynyahay
Aakhiriyo aduunkana
Ugu sidata kheyrkee
Allahayow na garansii!

Waa bil cibaado ahoo
Anbiyudu ducaysoo,
Aayadaha qur’aankuna,
Kusoo dageen aduunkee,
Allahayow na garansii,

Axadiistii Rasuulkuna,
Horey Ugu sheegeen,
Inay tahay bilkhayr lehoo,
Alla  uu ciseeyee
Allhayow na garansii.

Arrimahaaga gaarka ah,
Hadii ay adkaadaan,
Amma aad illowdid,
Bishan baa u dawaaee,
Allahayo na garansii.

Aadan iyo intuu dhalay,
Allihii abuuraa,
Uga dhigayna waajibee,
Allahayow na garansii.

Asxaabtii udgoonayd,
Sida ay u joogeen
Allay ka tuugi jireen
Inuu ku simo samankanee




/> Allahayow na garansii.

Allihii na uummoow
Aduunyadan lahaayow,
Adaan kuu macbuud nee,
Xaqeeda uun nagaransii
Hamse riraash

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.