somaliland:-Saacaddaha Shaqadda Oo Wax Ka Badal Lagu Sameeyay Inta Lagu Jiro bisha Ramadaan


(Hadhwanaagnews) Thursday, May 17, 2018 12:56:12
Guddoomiyaha Haay'adda Shaqaalaha Oo Ka Hadlay Wax Ka Badal Lagu Sameeyay Wakhtiyadda Shaqadda Bisha Ramadaan

Hargaysa(HWN)Guddoomiyaha Haay'adda shaqaalaha dawlada somaliland Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa soo saaray wax ka badal lagu sameeyay wakhtiga ay shaqaalahu shaqaynayaa bisha barakaysan ee ramadaan.

Guddoomiyaha Oo Warsaxaafadeed uu soo saaray nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,Sida aad la socotaan waxaa inoo bilowday bishii barakada badnayd ee Ramadaan, taasi oo loo diyaar-garoobayo cibaado iyo in xuska Alle dedaal dheeraad ah la geliyo.

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda maalmahan tirsani u leeyihiin Addoomaha, sidoo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu uga faa’idaystaan inta




ugu badan, waxa ay ku wargelinayaan in is beddel kooban lagu sameeyey saacadaha shaqada.

Jadwalka cusub ee bisha barakaysani waxa uu noqon doonaa sidan:


Shaqo-gelista: 8:00Am “Subaxnimo”
Shaqo-ka bixidda: 1:00Pm “Duhurnimo”

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shaqaalaha dawladda curashada bisha barakada badan waxa aanan u rajaynayaa in Alle ku daro inta helaysa dembi dhaafka, naxariista iyo in Alle jidhkooda naarta ka xoreeyo.

Ku Cibaadaysta Cafis iyo Caafimaad

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.