“Wasiirka Maaliyaddu Dheg Uma Dhigi Doono Dhaleecaynta Dhaameel-quuteyaasha”..W/Q Siciid Maxamuud Gahayr


(Hadhwanaagnews) Tuesday, June 12, 2018 11:20:44
“Wasiirka Maaliyaddu Dheg Uma Dhigi Doono Dhaleecaynta Dhaameel-quuteyaasha”..W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasiirka Maaliyadda u magacaabay Md Yuusuf Maxamed Cabdi Raage oo ah aqoonyahan da’yar, muddo dheerna ka mid ahaa shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda. Waa masuul xog-ogaal ah oo qabtay kaalmo kala geddisan, isla markaana la socday hannaankii koboca cashuur-ururinta, horumarinta miisaaniyadda iyo kor u qaadidda dakhliga qaranka.

Masuulkani wakhti gu’yaal ah ayuu ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, waxaanu markii dambe madax ka noqday Ku-xigeenka Kastanka Cashuuraha ee Kalabaydh. Isaga oo halkaas ka hawlgala ayay isku dhaceen Wasiirkii Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed




Samaale. Weliba dad ka tirsan Wasaaradda ayaa door ka qaatay isku-dhufashada. Intaas kaddib waxa uu waxbarasho u tegay dalka Itoobiya, waxaanu soo diyaariyay shahaadada Masterta. Markaas ayuu banneeyay shaqadii Wasaaradda Maaliyadda. Waxaanu xeraystay shaqo ay Haayadda Adam Smith ka caawinaysay Wasaaradda Maaliyadda, waanu ku guulaystay.

Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isku deyay in uu hor istaago, waxa ay haayaddi ku hanjabtay in ay joojinayso la-shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda, haddii loo diido qofka ku soo baxay aqoonta ee ku gudbay imtixaankii ay qaadeen. Sidaas ayuu ula shaqeeyay haayaddaas, isaga oo dhanka kalena ka mid ahaa saraakiisha KULMIYE ee doorka ka qaatay dhismaha barnaamijka xisbiga iyo ololaha doorashada. Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, waxa uu Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi ka mid ahaa guddi uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray munaasibaddii xil-wareejinta. Mar labaad ayuu haddana ku soo baxay liiska Golaha Wasiirrada, waxaanu madaxweynuhu ku xushay kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa. Hore ayuu Madaxweynuhu u sheegay in aanay loo keenin dadka kala-shaqaynaya hagista qaranka.

Tallaabooyinka ugu muhiimsan ee uu qaaday waxa ka mid ahaa isku-shaandhayn uu ku sameeyay agaasime-waaxeedyada wasaaradda, waxaanu ahaa masuulkii kowaad ee wax-ka-beddel ku sameeya qaab-dhismeedka bar-maamulka loo xulay. Qaadashada go’aankaas waxa ku dhiirri-geliyay aqoontii dheerayd ee u lahaa madaxda laamaha wasaaradda uu hagaha ka noqday.

Taasi waxa ay meesha ka saartay masuuliyiin door ah oo xilka ku helay qof-jeclaysi, qaraaba-kiil iyo sifooyin leexsan. Dhanka kale waxa uu Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi ku dedaalay in dhaqaalaha dawladda lagu sargooyo shaqada qaranka. Iyada oo fulinayo siyaasadda xukuumadda waxa miisaaniyadda lagu daray fulinta mashaariic horumarin ah, waxa la kordhiyay dakhliga dawladda, waxaana la qorsheeyay in cashuurta ummaddu ku baxdo halka ugu habboon.

Iyada oo dedaalkaas la wado, wakhtiga uu xilka hayayna ay kooban tahay, waxa aan muddo arkayay dhaleecayn kala geddisan oo warbaahinta loo marinayo. Qof ahaan waxa aan isku deyay in aan ogaado cidda ay eedahaasi ka imanayaan, sababaha xagashada keenaya iyo ujeeddada laga leeyahay dhaliisha. Ma aha kuwo wax lagu toosinayo, waxa ay se ka dhasheen cadho ka dhalatay mansab-doon, maal-doon iyo magac-dil.

Waxa qormooyinkaas ku suntan afar kooxood oo kala ah:
1. Niman magafeyaal ahaa oo laga beddelay xarumihii ay hannaanka maamulkooda marooriyeen
2. Dillaaliin hadh iyo habeen jiray maxaafsan jiray xarumaha dawladda, oo waayay macdantii ay u barteen
3. Wiilal abtinnimo iyo ehelnimo lagu qoray hannaanka shaqaalennimada
4. Rag adeegsada magacyo qarsoon oo aan is-muujin

Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu ahaa xubin ka tirsan Xisbiga KULMIYE, xilligii uu talada hayay Madaxweyne Siilaanyo. Sidaas awgeed waxa uu xurmaynayaa waxqabadka xukuumaddii hore, waxaanu fure u yahay hirgelinta higsiga xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Qof ahaantayda waxa aan bartay isaga oo ka hawlgala Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan Gobolka Saaxil. Waxa uu ahaa qof shaqadiisa ka adag. Intii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda, waxa aanu kala warhelnay xilliyo kooban oo hal iyo laba ah sida hambalyo iyo guubaabo aan ugu diray xilka loo igmaday.

Taakadii iyo tabcadii loo dhigay isaga oo shaqaale ama madax-qaybeed ah ayaa weli lala daba-socdaa. Waxa uu se kaga gudbi doonaa daacadnimo, dulqaad, samir iyo calool-adayg. Kollayba kursiga ayaa eedda leh, qofna ma qabtaan wixii aan u qalmini.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.