Somaliland Hadaad Joogto Oo Aad Soo Hadal Qaado Farmaajo Waxad LiintaKu Dhex Cabi Jeelka


(Hadhwanaagnews) Tuesday, June 12, 2018 11:50:20
Aqoonyahan Axmed sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) Oo kamid ah Aqoonyahanka Somaliland Gaar ahaana Dhalinyarada Gobolka Gabiley Safka

Aqoonyahan Axmed Biito Abaal Gudkii Guusha Kulmiye Ma Waxay  U Goysa In Uu Jeelka Liinta KuCabo Mise Waxay Xukuumadu Qoonsatay Eraygii  Anigu waxan Qabaa In La Kulanka Madaxwayne Muuse Biixi Uu iga dhaw yahay la kulanka Farmaajo

Aqoonyahan Axmed sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) Oo kamid ah Aqoonyahanka Somaliland Gaar ahaana Dhalinyarada  Gobolka Gabiley Safka Horena Kaga Jiray Dadkii Sababta U Ahaa Guushii Ololaha Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Waxa Uu Sido Sharci Daro ah Ugu Xidhanyahay Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Waxana Sida La Sheegay Xadhigiisasi Ka Dambeeyay Xog-Haynta Madaxwaynaha Somaliland Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani Oo Ku Doodaya Sida La Sheegay In Facebooka Aqoonyahan Axmed sheekh Nuur




Ducaale (Axmed Biito)  Laga Been Abuuray Islamarkaasina Uu Ka Been Abuuray (Aqoonyahan Axmed Biito) Halka Uu Aqoonyahan Axmed sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) Ka Beeniyay Inuu Isagu Qoray Qoraalkasi Balse Uu Sheegay In Laga Jabsaday Facebook-giisa Waxaanu Cod Dheer Ku Sheegay Inuu Raali Galin Ka Bixinayo Arinkaasi kana Raali Galinayo Masuuliyiiinta Lagaga Been Abuuray

Raali Galintaasi May Qancin Xog-Haynta Madaxwaynaha Somaliland Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani Ee Wuxuu Kaga Jawaab Celiyay Inuu Kaga Aar Goosto Xabsigana  U Taxaabo Aqoonyahan Axmed sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) Oo Kamid ah Xisbiga Kulmiye

Bal Hada Ila Wadaag Sida ay U Dhignayd Raali Galintii Uu Axmed biito ku Daabacay Baraha Ay Bulshadu Ku Kulanto Ee Uu Ku leeyahay Facebooga Ee ah www.facebook.com/ahmed.biito  >>>>  Waxaan halkan raali galin u ga dirayaa xoghayaha madaxwaynaha Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Madaxwaynaha ba oo bartaydan Facbook-ga Laga Baahiyay Warbixin Been Abuura Cad Ah. Odayaasha Mujaahidiinta Waan ka Raaligalinayaa. Warbixintaasi na waxay u ga baxday bartayda Facebooga oo la jabsaday awgeed. Sabab alla sabab aan u ga been abuuro ama cadaawad intaa leeg oo naga dhaxaysaa ma jirto. Xiliga la baahiyey waan hurday mar alla markaan toosay baa teleefoon la iigu sheehay. Mar labaad iyo mar sadexaadba waan ka raali galinayaa warbixintaa BEEB ABUURKA AH

 

Isku Soo Wada Duubo Xadhiga Biito ayaa Dadka Qaarkii La Xidhiidhinayaan InAy Sababtay Hadalo Uu Hore Dareenkisa Uu Ka Qabo La Kulanka Wakhtigan Ee Madaxwayne Muuse Biixi Kaasi Oo Uu Walaac Kaga Muujiyay Aqoonyahan Axmed sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) In Wakhtiigani Ay Fududahay In Lala Kulmo Madaxwaynihii Uu Garab Iyo Gaashaanba La Garab Istaagay Wakhti Iyo Dadaal Dheerna Ku Bixiyay Inoo Soo Boxo Muuse Biixi Cabdi Iyadoo Ay Xusid Mudantahay In Aqoonyahan Axmed Biito Uu Xili Qadhaadh Uga Soo Diga Rogtay Xisbigii Mucaaridka ahaa Ee Wadani Si Uu Taageeradiisa Siyaasadeed Ugu Badhi Taageero Halgankii Logu Jiray Inuu Muuse Biixi Noqdo Madaxwaynaha Somaliland Hadaba Hadalkaasi Uu Aqoonyahan Biito Ku Cabiray La Kulanka Muuse ayaa waxa Uu Yidhi Sidan

Anigu waxan Qabaa In La Kulanka Madaxwayne Muuse Biixi Uu iga dhaw yahay la kulanka Farmaajo Waxana Laga Dareen Qabaa In xadhigiisa inta ugu badan inay tahay Eraygaasi Oo Xukuumadu ay Qoonsatay

 

Waa Qalinkii Maxamed Xasan Sheekh maxamed

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.