Raysal Wasaaraha Talyaaniga Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedayn Uga Timid Madaxweynah aFaransiiska


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 13, 2018 08:54:09
Raysal Wasaaraha Talyaaniga Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedayn Uga Timid Madaxweynah aFaransiiska

Raysal wasaaraha  dalka Taliyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Madaxweyne Macron ayaa dhaleeceeyay talyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkooda uu ku soo xidho Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka.

Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go'aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah.

Balse Mr Conte ayaa sheegay in Talyaaniga aanu  aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar walba door bidi jiray inay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.

Markankani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay




jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xidho dekadda magaalada Valencia.

Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani aanu  gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin.

 

 

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.