Magacyada Beeluhu Waa Birma Geydo Fariin Ku Socota Boobe Yuusufducaale


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 13, 2018 09:10:42
Beelaha uu ku sheegay dadka la hayb sooco waxan ogahay inuu BOOBE ogyahay magacaas ama tilmaantaas uu ku sifeeyey inay tahay khalad

Asalaamo calaykum
Waa maalmihii u dambeeyey ee bisha Barakaysan ee Ramadan
 
Waxan ka adkaysan waayey inaan ka aamuso Boobe Yuusuf Ducaale ninka odayga ah ee la yidhaahdo oo maanta shir Jaraaid oo uu qabtay kaga hadlay kootada madaxwayne Muuse Biixi ugu yaboohay Dumarka iyo beelaha yar yar ee aan beelaha waaweyn cod kula tartami karin
 
Boobe wuxu si weyn ugu celceliyey ( Dadka la hayb sooco ) iyo Maxamed Biixi Shuuriye isagoo carabka ku balaadhinaya 
 
- Beelaha uu ku sheegay dadka la hayb sooco waxan ogahay inuu BOOBE ogyahay magacaas ama tilmaantaas uu ku




sifeeyey inay tahay khalad iyo qadaf badheedh ah oo uu ula badheedhay beelo ama dad somaliyeed oo muslim ah oo uu u magac bixiyo ama u adeegsado magacyada dhalinyarada qaar aan xilkas ahayn u adeegsadaan warbaahinta iyo dad sifo hunguri ula kac ula badheedha
 
Waxa ayaan daro ah Boobe inuu si fiican u yaqaano magacyada bealahaas oo weliba macruufad weyn u ku leeyahay dhexdooda isagoo deegaan iyo nololba la wadaagay hadaba oday Boobe maxay noqon kartaa inuu u adeegsado magacyo foolxun dad uu garanayo magacooda iyo dhalashadooda 
maxay tahay sababta ku kaliftay inuu  27 Ramadan oo maalin barakaysan ah inuu media caalamka oo dhan laga daawanayo uu ula badheedho magac xanbaarsan ihaano isagoo sidii Islaamku ina faray ugu yeedhi kara magacooda uu yaqaan ee Rasmiga ah
 
Boobe wuxu ka been sheegay taariikhdii Maxamed Biixi Shuuriye si ula kac ah iyo inay ka tahay jahli ma garan karno wuxuna yidhi 28 February 1960 ayaa lagu doortay Hargeysa taasina waa been cad oo gef ku ah nolosha halgamaa ka mid ah geesiyaashii xornima doonka ahaa waxan leeyahay Boobe waa tan taariikhdii Shuuriye uu ku soo galay parliament ka ee akhriso
 
Shuuriye wuxu ka mid ahaa 33 xubnood oo beelaha somaliland soo xuleen 1957 kuwaas oo ku yimid daraasad uu Ingiriisku sameeyey ka dibna dowladii Ingiriisku goaamisay habka keliya ee dadka somaliland Gole parliament ku samaysan karaan inuu yahay nidaam qabiil ama nidaam beeleed iyadoo dhaqankooda qabaliga ahi ka xoog badan yahay nidaam kasta oo kale ka dib waxa la qiimeeyey tirada populationka beelaha halkaas oo beel walba tiro parliament ay ka helayso maqiyaaskeeda lagu jaangooyey la siiyey oo aad loo xadiday dhamaan beelaha somaliland waxa loo qaybiyey 33 xubnood oo markaas Ingiriisku odoros ku xadiday somaliland in parliamentkeedu aanu ka badan karin
 
1957 ayaa beelaha Tumaal iyo Muuse dheriyo uu Ingiriisku isugu yeedhay oo ku wargeliyey in hal xubin laysku siiyey iyagoo laba beelood ah sababtoo ah parliamentka oo aad loo yareeyey daraadeed markaas labadaas beelood way isu tanaasuleen waxana sidaas kursigii parliament ku fashiistay Shuuriye oo beesha Tumaal ka soo jeeday lahaana personal qualification loogu xushay
 
Parliament kii 1957 wuxu ahaa golihii gudoomay xornimada ee uu ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal kaas oo markii dambana koonfur midnimada la sameeyey isla markaasna ka qayb noqday parliamentkii u horeeyey ee Somalia oo ka koobna 90 xubnood oo koonfur ka yimid iyo 33 xubnood oo waqooyi ka yimid oo total ahaan dhamaa 123 xubnood
 
Hadaba 1960kii Shuuriye wuxu ka qayb galay dooraahadii isagoo ah parliamentkii hore ee ku astaysna Gobanimada iyo xornimadii oo markaas xasuusteedu sii qoyanayd sidaas ayuuna mar kale ku soo baxay isagoo Isir iyo beel ahaan ku abtirsada somaliland runtiina waxa dad badani ka faaloodan in beesha Muuse dheriyo iyo Tumaal ay soo saari karaan xildhibaano ka badan tiro ahaan inta ay soo saaran beelaha kale 
 
Shuuriye ma ahayn Ogaadeen mana ahayn waageeni ee wuxu ahaa qof dhalasho ahaan ku abtirsada somaliland oo taariikh muuqata oo aan cidina dafiri karin ku leh somaliland beesha Tumaaluhu waxay leedahay taariikh 5000 sano ka mug weyn oo aan qabiilada somalida oo dhami lahayn waxan BOOBE tusaale u siinaya taariikhda Xabaalo Tumaalood ee ku yaala Berbera duuleedkeeda iyo magaalada Sheekh duleedkeeda mar lagu sameeyey daraasad todobaatanaadkii waxa lagu qiyaasay cimriga xabaalahaas iyo taariikhdooda 2500 sano ka badan taas oo la macno ah inay ka horeeyeen Nebi Ciise caleeh salaam waxa laysku raacsan yahay inaanay jirin beel somaliyeed oo leh taariikh sidaas u cad waana beesha uga taariikh weyn somaliland daraasad la sameeyey waxa laysla gartay magaalada Berbera oo ka mid ah magaaloooyinka ugu taariikh weyn geeska Africa in beesha Tumaalaha deegaan u ahayd halka beesha Muuse dheriyo ay deegaan u ahayd Bulaxaar oo 50 km uun u jirta magaalada Berbera waxana jira buugaag taariikh ah oo qoran oo cadaynaya iyo suugaan iyo weliba raadraaca xabaalahaas oo markhaati ugu filan
 
Qoraalka oo igu dheeraday awgii waxan ku soo koobaya BOOBE waxa fiican inuu xurmada iyo Qadarinta ay leeyihiin aanu ilaawin beelaha somaliyeed iyo inay magacyada beeluhu yihiin birma-geydo oo ay ceeb tahay in magac iyo astaan kale loogu yeedho beel iyo qabiil somaliyeed oo aad aqoon fiican u leedahay dhanka kale ma banaana in magac kale loogu yeedho qof iyo beel aad garanaysid magaceeda Islaamkuna ma ogola
 
Oday Boobe anigoo ixtiraamaya u haya waxan leeyahay sidaad beesha aad ka soo jeedid u dhawraysid magaceeda iyo milgaheeda isku day inaad beelaha kale iyagana u xurmaysid weliba kuwooda nugul ama aan codkooda isku difaaci karin
 
 
Caafimaad ayaan kuu Rajaynaya oday Boobe
 
Ilaahay dembigeena ha dhaafo
Ramadan Mubarak iyo Ciid Mubarak
 
Mustafa Ismaaciil Dhinbiil
Germany

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.