Qiimaha Waqtiga Uu Leeyahay.W/Q:- Abdirahman Saleban Arab


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 13, 2018 14:32:27
Waxaadna Maanka iyo qalbigab ku haysaa in Waxa kaliyata ee umada oo dhami ka simantahy uuyahay Waqtiga waayo qofkasta wuxu haystaa waqti

Waqtigu waa mid ka mid ah nimcooyinka dhameyska tirin oo EEBBE hibooyinka inoo siiyey sidoo kale waa hibbo ALLEE mooyee aanay cidkale bixin.Waqtigu waa hanti hadii ay mar ku dhaafto aan dib loo heli karin kuuna soo noqon karin carabtuna waxay ku maahmaahda () waxaa la yidhi , waqtigu waa nolosha iyadoo laga cabirayo qiimihiisa aan wax loo dhigaa jirin. Waxaa la yidhi, “waqtigu waa lacag” iyadoo laga cabiraayo qiimaha uu leeyahay. Waxaa la yidhi,“waqtigu waa sida seefta hadaanad goyn isagaa ku goyn” iyadoo laga cabiraayo socodkiisa iyo oradka aan joogsiga lahayn ee uu ku jiro.

Waxaadna Maanka iyo qalbigab ku haysaa in Waxa kaliyata ee




umada oo dhami ka simantahy uuyahay Waqtiga waayo qofkasta wuxu haystaa waqti kaasoo ah Saacad ka kooban 60 minute,halkii minute-na uu ka koobanyahy 60 ilbidhiqsi, Habeen iyo Maalin ka kooban 24 saacadood, Todobaad ka kooban todoba maalmood, bil ka kooban 30 cisho iyo Sanad ka kooban 365 Maalmood, haysashad intaasi kuma kooban in ay maalin walba ay kuugu dhaafto yaalaa macani iyo waqti lumis balse waxay kuwanagsantahy in aad ka faad'ideysato waqtiga intaa leeg, ka faa'ideysiga waqtigaasi waxay ku xidhantahay qof walbaa sida uu uga faa’iidaysto waqtigiisa, waana halka ugu horaysa oo laga bilaabo guusha iyo horumarka nololeed ee leh hiigsiga iyo horomerka shaqsiyeed.

haysashada waqtiga iyo horomurka nolashu waxay leedahy hab iyo hanaan socod dhameystirin oo lagu gaadho himilo, sidoo kale waqtigaaga waa inay ku lamaantahy hawlkarnimo, qorshe buuxa oo dhameystiran kaas oo ku geyn kara meel sare, si aad u dhaafto kacaa kufka ay iska leedahy noloshu marka aad meel sare hiigsaneyso . waqtigu waa albaabka ugu horeya ee laga baxo ama laga baal dilaacsadu kaas oo ku gaadhsiinaya in shay kasta oo aad waqti geliso qabashadiisa in ay kuu fudaadanyso kuna guuleysanayso inaad horumar ka gaadho.

W/Q:- Abdirahman Saleban Arab

[email protected].com

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.