Magaycada Sadex Dal Oo Ku Guulaystay Inay Marti Geliyaan Koobka Aduunka Ee 2026 Iyo Natiijada Codayntii Ay Ku Soo Baxeen


(Hadhwanaagnews) Thursday, June 14, 2018 00:17:52
Magaycada Sadex Dal Oo Ku Guulaystay Inay Marti Geliyaan Koobka Aduunka Ee 2026 Iyo Natiijada Codayntii Ay Ku Soo Baxeen

Sadex wadan oo ku yaala qaarada waqooyiga Ameerika ayaa si wada jir ah ugu guulaystay inay marti galiyaan koobka aduunka ee la qaban doono sanadka 2026-ka.

Wamada Maraykanka Canada Iyo Mexico ayaa ku guulaystay inay marti geliyaan koobka aduunka ee la qabanayo 2026-ka ka dib markii cod bixin ka dhacday wadanka Ruushka ay kaga guulaysteen wadanka Marooko.

134 dal oo ka mid ah wadamadii codka dhiibanayey ayaa u codeeyey sadexdan dal ee ku yaala waqooyiga Ameerika halka dalka Marooko ay u codeeyeen 65 wadan.

Koobka Adduunka ee sanadka 2026 ayaa waxaa markii u horeysay ka qeyb gali doona  48 dal, halka iminka




ay ka qeyb galayaan 32 dal.

Sanadka 2022 ayaa koobka Adduunka waxaa marti gelinaya dalka Qatar, waxaana uu noqon doona dalkii u horeeyay ee ka tirsan wadamada carabta ee marti geliya koobkaasi.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.