Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi Maxay Ka Tidhi Kulankii Dhex Maray Madaxweyne Trump Iyo Dhigiisa Kim?


(Hadhwanaagnews) Thursday, June 14, 2018 00:25:17
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi Maxay Ka Tidhi Kulankii Dhex Maray Madaxweyne Trump Iyo Dhigiisa Kim

Kuuriyada Waqooyi ayaa u dabbaal degtay kulankii Trump iyo Kim oo ay ku tilmaantay guul taarikhi ah,warbaahinta dawladda ayaana  ku warramaysa in Mareykanku uu cunaqabataynada ka qaadi doono dalkaasi.

Labada hoggaamiye ayaa salaasadii kala saxiixday heshiis ku saabsan nabadda iyo cidhibtirka Nukliyerka gobolka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in cunaqabataynada saaran Kuuriyada Waqooyi laga qaadi doono wakhti aanu  shaaca ka qaadin.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxaa maamula dawladda, waxayna ka warrantaa hawlaha ay dawladdu raali ka tahay oo kali ah.

Waxaa dhif iyo naadir ah inay toos u tabiyaan hawlaha hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un.

Sawirrada kulankii Trump iyo Kim




ayaa si wayn uga muuqday bogaga hore ee jaraa'idada  dalkaasi.

Wargeyska Rodong Sinmuna ayaa bogagiisa hore kusoo qoray 'Kulankii qarniga"

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA ayaa daabacday maqaal soo jiidasho leh oo lagu qoray luqadda Ingiriiska kaaso ammaan la dul dhacday kulankii taarikhiiga ahaa ee hogaamiyayaal labadan dal ka socdo ay yeeshaan.

Cunaqabataynta

Heshiiskii ay kala saxiixdeen labada hoggaamiye ayaa dhigaya in Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay samaystaan xiriir cusub.

Xukuumadda waxay sheegtay inay burburin doonto goobaha ay ku tijaabiso Nukliyerka.

Wakaaladda wararke ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa sheegtay in waxyaabaha kasoo baxay kulanka ay ahmiyad u leeyihiin Kuuriyada Waqooyi.

KCNA ayaa intaasi ku dartay in labada hoggaamiye ay ballan qaadeen in booqasho ay ku kala tegi doonaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda ayaa soo xigatay Kim Jung-Un oo sheegaya 'inay degdeg ahayd inuu gaadho go'aanka geesinimada leh oo lagu joojinaya tallaaboyinka iyo handadaadka militari ee la is  weeydaarsanayay'

 

 

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.