Madaxweynaha Maamulka Galmudug Iyo Madaxa Golaha Wasiirada Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horu marineed


(Hadhwanaagnews) Thursday, June 14, 2018 00:36:23
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Iyo Madaxa Golaha Wasiirada Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horu marineed

Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo madaxa golaha wasiirada ee maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay mashaariic horu marineed oo laga hir gelinayo magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga dhagax dhigay xarunta wasaarada warfaafinta, xarunta telefishanka maamulka Galmudug, xarunta ciidamada nabad sugida Galmudug iyo xero lagu tababarayo ciidamada milatariga.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf oo ka hadlay dhagax dhiga mashaariicdan ayaa sheegay inay doonayaan in magaalada Dhuusamareeb laga dareemo inay tahay caasimadii maamulka “Waxaanu doonaynaa inaanu Dhuusamareb ka dhigno mid yeelata muuqaal ka duwan kan hada oo laga dareemi karo inay tahay caasimadii maamulka Galmudug” ayuu yidhi madaxweyne Xaaf.






style="font-size:16px;">Sidoo kale madaxa golaha wasiirada maamulka Galmudug Sheekh Axmed  Shaakir oo isaguna ka hadlay dhagax dhiga mashaariicdan ayaa balanqaaday in deegaanada kala duwan ee maamulka la gaadhsiin doono mashaariicda horu marka ah, isaga oo xusay in xarumahan la dhagax dhigay si dhakhso ah loo bilaabayo dhismahooda.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.