Dad Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhacay Laascaanood


(Hadhwanaagnews) Thursday, June 14, 2018 11:40:44
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ka dhacay Mudaharaad, kaas oo ka danbeeyay ka dib markii ciidamada qaranka somaliland gaadhi ay wateen uu soo galay Magaaladda.

Ciidanka Saarnaa Baabuurkaasi ayaa damacsanaa in ay ka adeegtaan Suuqa Magaaladda Laascaanood, hasayeeshee dadka deegaanka ayaa shiid hadhka kaga dhigay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay saddex dumar ah.

ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay dhinaca maamulka Magaaladda Laascaanood, waxaana dadkii halkaasi ay dhaawacyadu ka soo gaadheen loola cararay cusbitaalka,halkaas oo iminka dhaawacooda lagu dabiibayo.

wararkan oo faahfaahsan goor dhaw kala soco hadhwanaangews

 

 









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.