Guddoomiyaha UCID Oo Eedo Ujeediyay Dawlada Hoose "Cashuurteenii Madhab iyo Dabo Musbaar Baa Lagu Cunay, Guryona waa laga dhistay"


(Hadhwanaagnews) Thursday, June 14, 2018 12:55:24
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Hargeysa (HWN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku edeeyay Dawladda Hoose ee Hargeysa ay in ay ka gaabisay shaqadii loo igmaday.

Waxa uu dhamaanba goleyaasha deegaanka ee dalka ku sifeeyay goleyaal aan ka midho dhalinin waxyaabihii loo igmaday in ay dadka dalkaba u qabtaan.

Sidaasna waxa uu ka sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad lagu soo gabogabaynayay koobka kubada cagta oo Hargeysa ka qabsoomay.

“Intii aad Kubbada Ciyaarayseen anigu waxa aan ka fekerayay garoonka aynu fadhino fool xumaantiisa ayaa la yaabay, ma moodid garoon Dawlad Leh, mid Dawlad Hoose Leh ma moodid, Halkaas waxa ka




muuqata Tamar la’aanteena, maanta caruurteenii ay garoonka dhex fadhfadhido” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu eedo culus ujeediyay Dawladaha Hoose ee dalka oo uu xusay in ay ku tagri faleen cashuurihii laga uruuriyay dadka shacabka ah

“Waxaynu Leenahay Dawlad Hoose, taas oo ay shaqadeedu tahay in ay garoomada hagaajiso oo ay nadiifiso, taas oo ay shaqadoodu tahay in ay ka nadiifiso, isla markaana ay ugu talo gasho dhul lagu ciyaaro.

Maanta 70% dalkeenu waa dhalinyaro, meel ay ku maararoobaan ma leh,  meel ay ku ciyaaraan ma leh, Library (Rugta Akhriska) ma leh, waxeenii oo dhan waxa aad moodaa in Dawladaha Hoose cashuurteenii Jaad iyo Guryo Siisteen” ayuu yidhi

Wuu sii watay guddoomiyaha Xisbiga UCID Hadalkiisa waxaanu yidhi “Waxaan leenahay walaalayaal Bahal Madhab (Nooc Ka mid geedka Jaadka) la yidhaahdo ayaa la cunay, bahal la yidhaahdo Dabo Musbaar (Nooc kale oo ka mid ah jaadka) ayaa qaadatay lacagteenii aynu garoonka ku samaysan lahayn” ayuu yidhi

Waxa uu xusay in goleyaasha deegaanka ee ka danbeeyay kuwa uu hada wakhtigoodu dhamaaday ay noqon doonaan kuwo wax badan ku dhaama goleyaashii ka horeeyay “Waynu ka tashan doonaa walaalayaal oo kuwa danbe ayaynu Dad wanaagsan soo xulan doonaa” ayuu yidhi




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.