Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Oo Fariin Amaanka Ku Saabsan U Diray Dadweynaha


(Hadhwanaagnews) Thursday, June 14, 2018 14:29:17
Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Oo Fariin Amaanka Ku Saabsan U Diray Dadweynaha

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa shacabka gobolka ugu baaqay inay xil weyn iska saaraan ilaalinta nabad galyada inta lagu gudo jiro munaasibadaha ciida barakaysan ee Ciidal Fidriga.

Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex oo la hadlay warbaahinta ayaa si gaar ah fariimo ugu diray waalidiinta waxaanu yidhi “Qof kasta waa in meesha uu joogaba isa saaraa masuuliyad gaara, nabad galyada guud ee dalkana waa in qof waliba halka uu joogaba ka ilaaliyo, waalidiintuna waa inay aad iskaga xil saaraan nabad galyada dhalinyarada, dhibaatooyin badan ayaa dhaca munaasibadaha ciida,dhalinyaradana farxada ayaa la talax tagta oo dibada ayaa loo baxaa, waana in layska ilaaliyaa macaasida iyo




waxyaabaha inaga xumaynaya camaladii wanaagsanaa ee aynu soo samaynay.”

Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Guud ahaan umada muslimiinta ah gaar ahaana umada somaliland waxaan leeyahay hambalyo, ilaahayna sanadkan sanadkiisa haynagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo nabad galyo, umada reer somaliland-na nabad galyada ilaahay ku manaystay waa inay ugu mahad celiyaan si uu ilaahay inoogu siyaadiyo.”

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.