Musfafe Martin Oo Hadhwanaagnews Uga Waramay Dacwado Uu Somaliland Ka Gaadhsiiyey Safiirada Beesha Caalamka Ee Nairobi Iyo Waxyaabaha Uu U Cuskaday


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2018 00:52:36
Musfafe Martin Oo Hadhwanaagnews Uga Waramay Dacwado Uu Somaliland Ka Gaadhsiiyey Safiirada Beesha Caalamka Ee Nairobi Iyo Waxyaabaha Uu U Cuskaday

Hargeysa(HWN):-Mustafe Martin oo sheega inuu yahay madaxweynaha dawlada United States Of Somaliland oo uu sheegay inay ka dhisay wadamada dibada ayaa ka hadlay dacwado uu somaliland ka gaadhsiiyey safiirada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mustafe Martin oo u waramay Hadhwanaagnews ayaa soo bandhigay qodobada ay u adeegsadeen ashkatada ay ka gudbiyeen somaliland, waxaanu tilmaamay inay jirto cadaalo daro baahsan oo ka taagan somaliland.

Mustafe Martin oo ka hadlaya dacwada ay ka gudbiyeen somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ka soo horjeednaa oo aanu diidnay oo aanu qaadacnay oo marna aanaan ogolaan doonin maamulka xaqdarada ku dhisan  oo baahiyey




dulmi fara badan, qabaa’ilkii somaliland-na kala fogeeyey, maamulkaas Jeegaantana waanu ka soo horjeednay rayigayagana waanu ka dhiibanay”

Mustafe Martin oo soo sharaxaya qorshayaasha ay la tageen magaalada Nairobi ayaa waxa uu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee aanu u tagnay Kenya waxay ahayd inaanu faafino qorshaha United States Of Somaliland kaas oo ah qorshe lagu nabadayn karo umada somaliland kaas oo lagaga badbaadi karo dagaalo sokeeya kaas oo madax banaani u keeni kara deegaanka oo dhan, Waxa kale oo aanu u tagnay inaanu dalbano in mucaawinooyinkii la siin jiray maamulka Jeegaanta in la joojiyo ama la yareeyo, haddii laga maarmi waayana xisaabtan baahsan lagu qaado si loo ogaado meelaha ay galeen mucaawinooyinkii la siin jiray, waayo maadaama oo aanay gobolada qaar gaadhayn, dadkana aanay u tagayn, jeegaantuna u adeegsato in odayaasha ay ku laaluushto maamulkana ku fidiso si ay dadku u sii duloobaan.”

Sidoo kale Mustafe Martin ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay u cuskadeen dacwadaha ay ka gudbiyeen somaliland waxaanu yidhi “Dhawr arimood ayaanu dacwadaas u kaashanay,  horta wixii taakulo ah ee ay somaliland ka heshay dibada waxa ay noqdeen wax loo isticmaalo in lagu cabudhiyo dadweynaha oo lagu kala diro dadka waayeelka iyo wax garadka ah, waxa kale oo loo isticmaalay oo aanu u sheegnay in dadka qaarna lagu duleeyo qaarna lagu soo saaro, markaa dhaqaalahaasi waxa uu noqday mid lagu dulaynayo ama sii kala fogaynaya umada reer somaliland, Waxa kale oo aanu u sheegnay inaanu dhaqaalahaasi ahayn mid galaya ilihii loogu tala galay, waxana ka mid ah barnaamijyadii kontanka milyan ahaa ee loogu tala galay SDF kuwaas oo aan meelna galin, waxa kale oo aanu ka hadalnay lacagaha la siinayo RRU oo noqday ciidamo lagu weeraro reeraha qaar halka ay kuwo kalana difaacayaan sida xaalada haatan  ka socota Ceel Afweyn, waxa kale oo aanu u sheegnay in 70% maamul ahaan dadku ay anaga ka taageersan yihiin, haddii aanu wadanka gudihiisa la nimaadno maamul aanu helno qayb ka mid ah dhaqaalaha.”

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay doodaha kaga yimid dhinaca safiirada beesha caalamka ee ay la kulmeen waxaanu yidhi “Dhinacooda dood weyn ayaa ka timid xagooda taas oo ku salaysnayd inay ku wajaheen United States Of Somaliland, su,aalihii nala waydiiyey ee ugu cuslaa waxa weeyaan maamulkiinu maka jiraan wadanka, su,aashaasna waxay noo waydiiyeen haddii aad doonaysaan caawimo dhaqaale ma tihiin dad midaysan oo maamul ku dhawaaqay, arintaas oo nagu noqotay mid aad u weyn, waxaanay noo cadeeyeen haddii maamul lagaga dhawaaqo wadanka gudihiisa gobolna ha ahaadee ay suurta galin karaan marinadii loo mari lahaa fursadaha dhaqaale.”

Mustafe Martin ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo shirkay beeshiisu yeelatay ee ka dhacay buurta Gacan Libaax, waxaanu badka soo dhigay qodobada uu jeclaan lahaa in laga soo saaro shirkaasi, waxaanu yidhi “Shirkii Gacan Libaax ka qabsoomay waxa la gudboonaa in dawlada Jeegaanta  la tuso diidmo qayaxan oo ku wajahan maamulka, diidmada marka laga hadlayo aduunka dhawaaqa ayaa ka muhiimsan dagaalka, haddii uu shirkaas ka soo bixi lahaa dhawaaq cad oo odhanaya dawlad uma aqoonsanin maamulka Jeegaanta oo laba reer ayaa ku heshiiyey, reeraha kalana waxay ka tashan doonaan aayahooda, qodobkaasina waxa uu noqon lahaa mid dhawaaq dheer oo aduunka oo dhan gaadha, taas ayaana sababi lahayd in dhawaaqa reerkaas weyn laga maqli lahaa Jabuuti, Nairobi iyo aduunka kale in laba maamul ay ku soo socdaan wadanka gudihiisa, waxa kale oo aan ku samayn lahayn maamul ay ku dhawaaqaan dadka isku yimid kaas oo noqon lahaa mid sii xoojiya wadanka,  waxa kale oo aan ku dhawaaqi lahaa in beelaha iyo deegaankoodu  kala madax banaan yihiin oo beel waliba iskeed aayaheeda uga tashato gunaanadkuna uu yahay maamul la wada leeyahay oo ka duwan kan Jeegaanta.”

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.