War Degdeg ah: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo U Digay Beelaha Dirirtu Ku Dhex Martay Ceel Afweyn


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 11, 2018 11:51:41
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Ceel Afweyn (HWN) - Madaxweyne Ku  Xigeenka Somaliland oo ku sugan Magaaladda Ceel Afweyn ayaa soo saaray afar qodob oo uu ku sheegay in ay saldhig u yihiin Xalinta colaada dabada dheeraatay ee u dhaxeeya laba Beelood oo halkaasi wada dega.

Go'aamadan oo ah amarro la farayo labadaasi beelood ee ku diriray ceel afweyn oo uu madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa u dhignaa sidan

 

 

  1. In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay.
  2. In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo qorsheeyay  loo aqoonsanayo inay yihiin




    fidmo wadayaal.
  3. In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka yihiin  ciidamada Qaranka  Somaliland iyo
  4. In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida  mashaqadaas.

 

Wa-bilaahi tawfiiq




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.