Suuldaaro Waa Halis, Iyo Siibashada Qaar, Saxeex Yaanu Ka Tegin.


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 06:45:38
Sanku Neefleh Idilkii, Maxay Nagu Saluugeen, Maynagaan Saxnayno, Surin Qalooca Marayno

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.S.C.W.R.W.B.
Salaan khaas ahna bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaashooda

 

1-SAMIRNAYOO IN BADAN BAAN,SAADAALINAYNO,BERITAY SAMAANIYO,

SAADANBAY KA FIICNAAN,SACEENU WEYLO DHALAYAA,NAFTU AY SUGAYSO,

DADKAN LAGU SABAAYE,MEESHAAN U SOCONIYO,MAYNU HELIN SIRTII WELI,

SANADKII YIMAADABA,RAGBA SACABKA BUUXSADA,DARNA WAY SAQIIRAN.

 

2-SARYANKII KORAYIYO,DHALINYARADI SOCOTAYE,SIDAN INTEEN AHAANAA,

SANKU NEEFLEH IDILKII,MAXAY NAGU SALUUGEEN,MAYNAGAAN SAXNAYNO,

SURIN QALOOCA MARAYNO,SOOFDARAN HABAWO,WELI HAYN HOGAN SAXA,



FB",sans-serif;">SI KASTABA U DHIGAYO,SAL KA GAADHI WAAYE,SAANTI MIYAAN KU CELIYA.

 

3-SURMOSEEGTO RUUXLIHI,SAANI OODA UMA JARO,GEEDKANA WUU SARIIGAA,

SAADAALO MAAHEE,SIYAASADI QORSHAYNIYO,SAHAN BAY KU SOCOTAA,

SIRIYO WAA KHIYAAMIOO,SACAB BEENA LOO TUMO,ADIGOO SALUUG QABA,

SEEFTA KAAD U TUMATAA,SARIIR LOO GOGLAAYO,SANKA LAGA DHUNKANAYA.

 

4-SASABIYO SANTAAGIYO,SUULDHABAALO HOOSA,LAGU SUURAGELIYAA,

SADAAD ADIGU LEEDAHAY,LAMA SIIYO RUUX KALE,WELIGA HA SAABULIN,

HESHIISAAD SARGOYSAN,SIDAAD DOONTAY NOQONO,BERI AAD SALUUGTA,

SUULDAARO WAA HALIS,IYO SIIBASHADA QAAR,SAXEEX YAANU KA TEGIN.

                         ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.